4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 1 , 2020
Qaad fara badan oo si suuq madow ah ku soo gala Soomaaliya
 

Khamiis, October 1, 2020 (HOL) - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bishii Luulyo ee sanadkan hakisay shixnadaha diyaaradaha Qaadka keena Soomaaliya sababo la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus, wixii xiligaas ka dambeeyayna Dawlada Kenya ayaa saameynta dhaqaale ee dalkeeda uu u yeeshay gaar ahaan degaanka Qaadka laga beero ee Meru iyagoo ka falcelinaya dadaalo badan ku bixineysay sidii ganacsiga Qaadka ee Soomaaliya oo ah dalka ugu badan ee loo suuq geeyo dib loogu furi lahaa.

Haddaba HOL waxay ogaatay in Qaad farabadan uu ka soo galo Soomaaliya dhanka badda, gaar ahaan dhanka degaanada Jubooyinka, kadibna loo gudbiyo qeybaha kale ee Soomaaliya. Qaadkaas oo keenistiisa ay iska kaashadaan shabakado isku xiran oo Soomaali iyo Kiiniyaan ah ayaa si caadi ah loogu kala iibsadaa seyladaha gacansiga, iyadoo aanay jirin wax dakhli ah oo dowladda Soomaaliya uga soo xarooda Qaadkan faraha badan ee dhanka badda laga soo galiyo.

Balse waxa keliya ee wax iska badaleen waa qiimaha la kala siisto qaadka oo sare u kac ku yimid, midaas oo ay ka faa’iidaan shabakadahan isku xiran ee dalka soo galiya, madaama aan la cashuurin, isla markaasna qarashka uga baxa fududeynta soo galinta Qaadka iyo gadiidka meelaha fog ka soo daabula ay ku kordhiyeen qiimaha Qaadka.

Ka hor intii aanay hakin Qaadka, dowladda Soomaaliya ayaa halkii kiilo oo qaad ah ka qaadi jirtay shan doolar oo canshuur ah, balse waxaa muuqata in Qaadkii uu wali si xowli ah uu dalka ku soo galo iyadoo Meesha ay ka baxday dakhligii dalka uga soo xaroon jirtay.

Tani waxay imaaneysaa xilli ay dowladda Soomaaliya ay dib u bilowday duulimaadyadii Hawada ee diyaardaha rakaabka iyo shixnadaha kale, balse Qaadka uga talaaba dhanka baddaa iyo xaduudaha aanay awood u laheyn xlligan dowladda Soomaaliya inay xakameyso.