4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 9 , 2020
Tigreyga oo dalbanaya xabad joojin iyo la soo afjaro xasarrada taagan

 

Isniin, November, 09, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Tigray Debretsion Gebremichael ayaa lagu soo warramayaa in uu ku baaqay in lasoo afjaro colaadda ka taagan gobolka isla markaana la bilaabo wadahadallo si xiisadda loo dejiyo.

Baaqan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ka yimaada dhinacyada isku haya colaada dalka Itoobiya''Madaxweynaha ayaa midowga Africa ka dalbaday inay xaaladda faraha lasoo galaan si dalka looga badbaadiyo in uu galo dagaallo sokeeye.

‘’Waxaan ku baaqayaa Ia qabto wadahadal lagu joojinayo dagaalka, ayuu yiri Debretsion Gebremichael sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Si kastaba, dowladda federaalka Itoobiya waxay u muuqataa in mid aan diyaar u aheyn wadahadallo in lala galo gobolkan, khudbad uu jeediyay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya wuxuu ku sheegay in dowladda ay soo gabagabeyn doonto hadafkii laga lahaa howlgalka.

Dhawaan ayeey aheyd markii QM ay soo saartay digniin ka dhan ah dagaallada ka socda gobolka Tigray, waxaana sheegtay in 9 malyan qof ay halis ugu jiraan in guryahooda ay ka qaxaan maadama la xiray waddooyinkii geli jiray gobolkaas oo ay adagtahay in gargaar la gaarsiiyo shacabka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]