4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 9 , 2020
Afhayeenka TPLF " Waxaan soo ridnay diyaarad duqayn rabtay meelo u dhaw Maqale"
 

Isniin, November, 09, 2020 (HOL) - Afhayeenka Ururka TPLF Getachow Rada ayaa habeenimadii xalay mar uu ka hadlayay Warbaahinta degaanka Tigray ayaa sheegay in shalay ay soo rideen ciidamada degaanka Tigray diyaarad rabtay inay duqayso meelo u dhaw Maqale.

Getachow ayaa sidoo kale beeniyay war kasoo baxay Taliyaha Ciidanka ee Itoobiya oo sheegayay inay ciidanka Qaranka ee Itoobiya lawareegeen magaalooyin hor leh.

Ma jirto warar xaqiijinaya sheegashada labada dhinac ee ku saabsan guulaha uu mid walba sheeganayo iyo waliba khasaaaha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan sii jiitamaya ee u dhaxeeya Ciidanka Fadaraalka Itoobiya iyo kuwa degaanka Tigray.

Abdilahi Jawhar
Hiiraan Online