4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 8 , 2020
Meydka nin Ajnebi ah oo ka xiran gacmaha iyo lugaha oo ay soo caarisay xeebta Eyl
 

Axad, November, 08, 2020 (HOL) - Magaalo xeebeedka Eyl oo katirsan gobolka Nugaal ee maamul goboleedka Puntland , ayaa xeebtiisa waxay soo caarisay maydka nin ajnebi ah oo gacmaha iyo lugaha lagasoo xirxiray.

Ninkaan oo la aqoonsan waayay maydkiisa, ayay wararku sheegayaan in ay dileen maraakiibta jariifka ah ee ku sugan Xeebaha Puntland, balse lama hubo.

Markii maydkiisa la helayay waxaa uu dulsaarnaa Naxash laga sameeyay alwaaxyo, waxaana jirkiisa ku duuduubnaa xarig loogu talo galay in uusan naxash ka dhex bixin.

Maamulka degaanka waxay tilmaameen inuu muddo badan ku dhex jiray biyaha badda jirkiisa qeyb ahna la aqoonsan waayay, sida madaxa.

Xogta hordhaca ee laga helay baaritaan lagu sameeyay maydkiisa, waxay sheegaysaa in ay u badan tahay inuu ahaa kalluumayste kasoo jeedo wadamada Koonfurta Asia sida Thailand, Philippines, Vietnam iyo Indonesia.

Maamulka degmada Eyl waxay sheegeen in ay qabaan tuhun ku saabsan in ay dileen qolyo uu kamid ahaa oo xeebaha Puntland ku wada kaluumaysi sharci darro oo ay Puntland awood u weyday in wax laga qabto.

Eyl, oo ah magaalo taariikhi ah oo dhacda badweynta Hindiya waa meeshii ugu horeeysay ee ay kasoo ifbaxeen kooxihii burcad badeeda, laakiin wixii ka dambeeyay 2012, waxay dhibbane u tahay maraakiibta jarriifka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]