3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 8 , 2020
Dowladda Kenya oo Muqdisho usoo dirtay wafdi dowladda Soomaaliya kalasoo hadla in xayiraada laga qaado Qaadka
 

Axad, November, 08, 2020 (HOL) - Xoghayaha Guud ee Arimaha Dibada Kenya, Danjire Macharia Kamau ayaa gaaray magaalada Muqdisho shalay oo Sabti aheyd, isagoo hogaaminaya wafdi wada hadalo la yeelanaya dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in booqashadan oo qaadandoonta saddexda maalmood ah looga gol leeyahay xoojinta xiriirka ka dhexeeya  labada dal, iyadoo diirada la saarayo ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga gobolka.

"Kenyanka iyo Soomaalida waa inay diirada saaraan kordhinta ganacsiga, halkii ay ku ekaan lahaayeen arimaha siyaasada," ayuu yiri Amb Kamau.

Waa wafdigii ugu cuslaa ee Kenya soo dirto tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay joojisay ganacsiga Qaadka ka imaan jiray Kenya.

ganacsatada Qaadka ayaa dowladda Kenya cadaadis ku saaray inay soo afjarto khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya si xayiraada looga qaado Qaadka, haddii kale waxay ku hanjabeen inay dhigayaan mudaharaadyo ka dhan ah dowladda.

Ujeedada ugu weyn ee uu wafdigaan u yimid waxay salka ku haysaa in dowladda Soomaaliya ogolaato in dib loo fasaxo ganacsiga Qaadka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/8/2020 2:33 PM EST
Axad, November, 08, 2020 (HOL)- Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah hay'adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) in ay Alle u soo noqoto kaddib markii sida uu sheegay ay been abuur ku tilmaamtay Aayado Qur'aan ah.

11/8/2020 10:28 AM EST
Axad, November, 08, 2020 (HOL) - Magaalo xeebeedka Eyl oo katirsan gobolka Nugaal ee maamul goboleedka Puntland , ayaa xeebtiisa waxay soo caarisay maydka nin ajnebi ah oo gacmaha iyo lugaha lagasoo xirxiray.

11/8/2020 10:26 AM EST
Axad, November, 08, 2020 (HOL) Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa xilalkii ka qaaday qaar ka mid ah taliyayaasha ciidamada xili uu sii xoogeysanayo dagaalka ciidamada difaaca Qaranka iyo jabhada TPLF ku dhaxmaray gobolka Ismaamulka Tigray-ga.

11/8/2020 8:14 AM EST
Axad, November, 08, 2020 (HOL) - Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo khasaare geystay uu dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa xoogga ururka Al-shabaab.

11/8/2020 6:16 AM EST
Axad, November, 08, 2020 (HOL)- Iyadoo lagu waddo in labo cisho ka hor magaalada Jowhar lagu qabto doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa waxaa xilka wareejiyay guddoonka hore ee Baarlamaanka.

11/8/2020 2:22 AM EST
Axad, November, 08, 2020 (HOL)-Waxaa sii xoogeysana dagaalka u dhaxeeya ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya iyo jabhada TPLF ee ka dagaalamaya gobolka Tigray-ga ee Waqooyiga dalkaasi Itoobiya.

11/8/2020 1:11 AM EST
Axad, November, 08, 2020 (HOL)- Waxaa sii kordhaya dilalka kooxo madow ah oo la garaneyn dalka Koonfur Africa kula kacayaan ganacsatada Soomaalida ah , iyadoo todobaadydii aynu soo dhaafnay la tiro ganacsatado Soomaali ah.

11/8/2020 12:59 AM EST
Axad, November, 08, 2020 (HOL)- Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka dhinaca sharciga ah ee u dhaxeeya Xukuumadda Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo siweyn uga biyo diiday guddiyada doorashada oo ay dowladdu magacaawday.

11/8/2020 12:28 AM EST
Axad, November, 08, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee loo doortay ee dalka Mareykanka, Joe Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris.