4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2020
Joe Biden oo ku guulaystay doorashada madaxtinimada dalka Maraykanka
 

Sabti, November, 07, 2020 (HOL) - Joe Biden ayaa noqon doona madaxweynihii 46-aad ee dalka Mareykanka, kadib guushii uu ka gaaray gobolka uu ku dhashay ee pennsylvania taasoo ka dhigtay inuu ka sarreeyo codadkii doorashada ee loo baahnaa inuu guuleysto.

Biden ayaa hadda haysta 273 oo ah codadka doorashada. Kahor intaanu noqon musharraxa madaxweyne ee xisbiga Dimuqraadiga, Biden wuxuu madaxweyne ku xigeen u soo noqday madaxweynihii hore Barack Obama.

Kamala Harris ayaa noqon doonta madaxweyne ku xigeenka Mareykanka. Waxay noqon doontaa haweeneydii ugu horeysay ee qabata xafiiska.

Guuldarada doorashada madaxweyne Trump ayaa ka dhigeysa madaxweynihii 11aad oo Mareykanka oo lumiya in mar kale dib loo doorto.

Madaxweynihii ugu dambeeyay ku guul daraysta dib u doorashadiisa wuxuu ahaa George H.W.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]