4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2020
Cabdi Xaanshi’’ Guddiyada ay dowladda soo magacwaaday intooda badan waxaa laga soo xulay madaxtooyada iyo NISA

 

Sabti, November, 07, 2020 (HOL)- Guddoomiyaha Aqalka Sare Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa Qoraal uu soo saaray ku sheegay in guddiyada ay dowladda u saartay doorashada aan marnaba lagu kalsoonaan karin.

Cabdi Xaanshi ayaa sheegay in guddiyadii loo gudbiyay dowladda dhinac isaga riixday, taa badalkeedana ay soo magacaawday xubno sida uu hadalka u dhigay laga soo kala xulay xafiiska Madaxweynaha, kan Ra’iisal Wasaaraha iyo hay’adda Nabad-sugida Qaranka ee NISA.

“ Guddiyada Dir Waqooyi iyo kuwa heer federaal ee Dowladda magacaawday intooda badan ma garanayaan beelaha, inta la gartayna waxaa ay ka tirsan yihiin shaqaalaha madaxtooyada, xafiiska Ra’iisal Wasaaraha iyo hay’adda Nabad-sugida Qaranka NISA’’ ayuu qoraalkiisa ku sheegay guddomiye Cabdi Xaanshi.

Waxaa uu ku baaqay in arintan la soo fara-galiyo dibna soo xulista guddiyada loogu soo celiyo cidda ay quseyso.

Eedeyntan ah in guddiyada ay dowladdu soo magacaawday laga soo xulay hay’adda nabad-sugida ayaa waxaa horey ugu jeediyay dowladda hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxaana uu noqonayaa Cabdi Xaanshi Cabdullaahi noqonayaa mas’uulkii ugu horreeyay ee dowladda ka tirsan islamarkaana ujeediya eedeynta noocan ah.

Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Cabdi Xaanshi.:

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]