3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 6 , 2020
Itoobiya oo laga cabsi qabo in uu ka qarxo dagaal sokeeye

 

Jimco, November, 06, 2020 (HOL) - Xiisada u dhaxeysa Xukuumadda Dhexe ee Itoobiya iyo ismaamulka Tigray-ga ayaa u muuqata mid cirka isku shareertay, iyadoo hadda laga cabsi qabo in ay Itoobiya gasho dagaal sokeeye.

Xiisadan ayaa ka dhalatay kaddib markii Ra'iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed uu amar ku bixiyay howlgal militari oo ka dhan ah gobolka Tigray-ga oo uu ku eedeeyay in ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah militariga iyo dhaca hantida dowladda.

Sidoo kale Xukuumadda ayaa xaalad degdeg ah ku soo rogtay gobolka si loo ballaariyo howlgalkan ka dhanka ah Jabhada  xisbiga TPLF.

Dhinaca kale Tigray laftirkooda ayaa wadda dhaqdhaqaaqyo lid ku ah go'aanka ka soo baxay Ra'iisal Wasaare Abiy Ahmed iyagaoo doonaya in ay iska difaacaan ugu yarraan ciidamada difaaca Qaranka Ra'iisal Wasaaruhu ku amray howlgalkan.

Arrintan ayaa abuureysa cabsi soo foodsaartay waddanka oo dhan oo laga cabsi qabo in uu ka qarxo dalka dagaal sokeeyo, iyadoo markii horeba xiriirka Tigray iyo Xukuumadda Dhexe uusan wanaagsaneyn.

Sidoo kale Xiisadda taagan waxay sare u qaaddeysaa cabsida laga qabo in xisbiga Tigray-ga ee TPLF uu tallaabo u qaadi karo sameynta maamul u gaar ah oo ka madax bannaan federaalka Itoobiya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
        













Click here
11/6/2020 10:15 AM EST
Jimco, November, 06, 2020 (HOL) - Dowladda Jabuuti ayaa dalkeeda ka musaafurineysa ilaa 16 Askari oo Itoobiyaan ah, kuwaa oo sida la sheegay gacan saar dhaw la leh Jabhada difaaca Tigray-ga.

11/6/2020 7:29 AM EST
Jimco, November, 05, 2020 (HOL)- Dowladda Uganda ayaa kala baxday Soomaaliya qeyb ka mid ah ciidamadooda ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM.

11/6/2020 7:16 AM EST
Jimco, November, 06, 2020 (HOL)- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo qeybo ka mid ah gobolka Galguduud gaar ahaan deegaanka Bulacle ku dhaxmaraya ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga Ururka Al-shabaab.

11/6/2020 6:46 AM EST
Jimco, November, 06, 2020 (HOL) - Turkiga ayaa siiyay ku dhowaad 3.4 milyan oo deyn ah oo Soomaaliya ay ku leedahay Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF), iyada oo qayb ka ah dadaallada la bilaabay horaantii sanadkan si looga cafiyo deymaha culus ee dalalka dakhligoodu hooseeyo.

11/6/2020 5:45 AM EST
Jimco, November, 06, 2020 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ayaa sheegaya xiligan dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa xoogga Al-shabaab uu ka soconayo deegaanka Bulacle.

11/6/2020 2:19 AM EST
Jimco, November, 06, 2020 (HOL) -Wararka naga soo gaaraya qeybo ka mid ah deegaannada Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay halkaa ka waddaan dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhan ah xoogagga Ururka Al-shabaab.

11/6/2020 1:37 AM EST
Jimco, November, 06, 2020 (HOL) - Wali waxaa ka socdo qaar ka mid ah gobollada Mareykanka tirinta codadka doorashada madaxtinimo ee 3-dii bishaan November, ka dhacday Ameerika. Taasoo ay ku loolamayaan madaxweynaha mudo xileedkiisu uu dhammaaday Donald Trump oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga iyo Joe Biden oo horay u ahaa Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, matalaayana Xisbiga Dimuqraadiga.