3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2020
Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle oo lagu dhawaaqay

 

Khamiis, November, 05, 2020 (HOL)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle  Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa magaalada Jowhar uga dhawaaqay Guddiga Doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee Dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

Guddigan ayaa markii ugu horreysay waxaa guddoomiye ka noqoneysa qof dumar ah iyadoo guud ahaan uu ka kooban yahay.9 xubnood.

Guddiga ayaa looga fadhiyaa in ay soo bandhigaan hab raaca doorasho ee madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Ku dhawaaqista Guddiga ayaa imaneysa xili maalintii shalay lagu doortay magaalada Jowhar Guddoonka Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle.

Lama oga in laga heshiiyay khilaafkii ka taagnaa doorashada madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana Jowhar wali ku sugan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo kulamo la leh dhinacyada isku khilaafsan hanaanka loo marayo doorashada kursiga madaxweynaha.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
        

 

 


















Click here
11/5/2020 12:39 PM EST
Khamiis, November, 05, 2020 (HOL)- Magaalada Muqdisho goor dhaw waxaa qarax lagula eegtay gaadiid uu la socday Wasiirka cusub ee Wasaarrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Soomaaliya Duraan Axmed Faarax.

11/5/2020 8:07 AM EST
Khamiis, November, 05, 2020 (HOL) - Hay’adda INTERSOS oo ah hay'ad ka shaqeysa arrimaha samafalka, ayaa maanta ku dhawaaqday inay xireyso howlgalkeedii Soomaaliya, ka dib 28 sano oo ay ka shaqeynaysay gudaha Soomaaliya.

11/5/2020 6:14 AM EST
Khamiis, Novmeber, 05, 2020 (HOL)- Guddoomiyaha Aqalka sare Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa siweyn uga soo horjeestay guddiga doorashada heer federaal oo ay dowladdu ku dhawaaqday isaga oo eedeyn u jeediyay Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya

11/5/2020 3:00 AM EST
Khamiis, November, 05, 2020 (HOL)- Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay gobolka Tigray ee Waqooyiga dalkaasi Itoobiya, kaddib markii Ra'iisal Wasaare Abiy Ahmed uu amray ciidanka difaaca Qaranka in ay talaabo malatari ka qaadaan TPLF oo ku eedeysan in ay weerarreen saldhigyo ciidan.

11/5/2020 2:38 AM EST
Khamiis, November, 05, 2020 (HOL) - Qaramada Midoobay iyo maamulka Somaliland ayaa bilaabay wada xaajood ku saabsan shuruudo cusub oo u oggolaanaya UN iyo hay'adaheeda inay si gooni gooni ah ula macaamilaan Somaliland.

11/5/2020 12:51 AM EST
Khamiis, November, 05, 2020 (HOL)- Joe Biden oo ah musharaxa Xisbiga dimuqraadiga ayaa aamisan in uu guuleystay inkastoo wali guud ahaan marka la eego dalka Mareykanka ay socto tirinta codadka la dhiibtay.

11/5/2020 12:23 AM EST
Khamiis, November, 05, 2020 (HOL) -Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo kormeeray jidadka magaalada magaalada Muqdisho oo ay xireen biyo ka dhashay roobab lixaad leh oo ka da'ay caasimada.