4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2020
Kenya '' Talaabada Dowladda Soomaaliya ay qaaday waxaa loo sababeeyey eedeymo aan la xaqiijin

 

Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa jawaab ka bixisay tallaabadii dowladda Soomaaliya ay dalkeeda uga saartay safiirkii Kenya Lucas Tumbo oo la amray in dib dalkiisa ugu laabto.

Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in dhinaca dowladda Soomaliya aysan marnaba ka helin  wax xiriir ah oo ku saabsan go’aan ah in ay dalkeeda ka saareyso danjire  Lucas Tumbo.

“Ficilkan waxaa loo sababeeyey eedeymo aan la xaqiijin, oo ku saabsan ‘faro-gelin Kenya ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya.’ Dowladda Kenya waxa ixtiraameysa mabaad’ida caalamiga ah, aaya-ka-tashiga, qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed iyo sharafta dhuleed ee dhammana dalalka, gaar ahaan kuwa Afrika,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in go'aanka lagu eryey safiirka Kenya ay qaadatay “iyadoo ilaalinaysa madax banaanideeda qaran, kadib markii ay u muuqatay in Kenya si bareer ah ay u fara galinayso umuuraha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubaland.”

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay dhiggeeda Kenya  in ay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe “ku cadaadinayso innuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taas oo carqaladaynaysa heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya.”

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]