4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2020
Xildhibaano katirsan Puntland oo guddoomiyaha barlamaanka ugu baaqay inuu iscasilo
 

Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Xildhibaano katirsan barlamaanka Puntland ayaa ugu baaqay inuu iscasilo guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyagoo ku eedeeyay inuu ku fashilmay hoggaaminta golaha barlamaanka.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha inuu kala qeybin ku sameeyay xildhibanada dhexdooda islamarkaana uu sameystay xulufo u gaar ah iyo maleyshiyaad uu ku cabsi galiyo xildhibaanada qeybtood, waa sida ay ku sheegeen hadalkii ay saxaafada ka sheegeen.

Waxay kaloo xildhibaanadu ku eedeeyeen inu masuul ka yahay fowdadii maanta ka dhacday xarunta barlamaanka, iyagoo sheegay xildhibaano isaga taageersanaa in ay masuul ka ahaayeen buuqa iyo gacan ka hadal golaha ka dhacay.

Guddoomiyaha barlamaanka ayaa horey ugu eedeeyay xildhibaanadan in rabshad ka dhex abuureen golaha barlamaanka, taasoo keentay in ay istaagto shaqadii ka socotay xarunta golaha.

Khilaafkan ka dhex abuurmay barlamaanka Puntland dhexdiisa ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii barlamaanku meel mariyay in ajendaha laga saaro ka doodista heshiiska DP world ee dekeda Bosaso.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]