4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2020
Ciidamo ka tirsan Beesha Gaaljecel oo ku biiray la dagaalanka Hirshabeelle iyo Janaraal Xuud oo ku dhawaaqay arin cusub


Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Beesha Gaaljecel ayaa ku biiray dhaqdhaqaaqa ciidan ee uu hogaamiyo Janaraal Abuukar Warsame Xuud kuwaas oo kasoo horjeeda nidaamka lagu dhisay maamulka Hirshabeelle.

Sarakiisha horkaceysay ciidamada Beesha Gaaljecel ee ku biiray ciidamada Janaraal Xuud ee ku sugan duuleedka magaalada Baledweyne ayaa Warbaahinta u sheegay iney qeyb ka yihiin raadinta xaquuqda ka maqan shacabka reer Hiiraan ayna iska diideen in la kala faquuqo jiritaanka reer Hiiraan oo aay ka shaqeyneyso dowlada dhexe iyo maamulka Hirshabeelle taasina dagaal ayaan ka xigna ayuu yiri Cabdi Aaloow oo ka mid ah sarakiisha ciidamada Beesha Gaaljecel"

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay Sarakiil kala duwan oo wacad ku maray iney iska difaaci doonaan cid walbo oo soo weerarta "waxaan meelaha ka maqleynay dowlada ciidamada Haramcad ayay idiin soo wadata inaga Haramcad xabo inagama qaadi karto anaga ayaana ka Haramcad ah gobolkaan ha ogaadaan dowlada "ayuu yiri Cilmi Muuse Cismaan oo ka mid ah Sarakiisha ciidamada Janaraal Xuud"

Gabagabadii Hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa hubeysan Janaraal Abuukar Warsame Xuud ayaa si rasmi ah u shaaciyay iney dhawaan dhisan doonaan maamul u gaar ah shacabka reer Hiiraan oo lagu magacaabo Hiiraan State.

"Dowlada waxay ku dhisan tahay rabitan dadweyne hadii ay dhageysan waydo rabitanka shacabka inagana ma aqbali doono waxa ay ino soo dhoobdhoobeyso " ayuu yiri Janaraal Xuud

Janaraal Xuud ayaa u mahadceliyay ciidamada Beesha Gaaljecel ee kusoo biiray dhaqdhaqaaqa uu hogaaminayo ee kasoo horjeeda Hirshabeelle waxuuna sidoo kale ugu baaqay beelaha kale ee dhiman iney kuso biiraan dhaqdhaqaaqyada lagu xoreynayo gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]