4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2020
Suuqyada ganacsiga Garowe oo saaka albaabada loo laabay sicirka bararka dollarka awgii
 

Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Qaar kamid ah Suuqyada ganacsiga Garowe ayaa saaka albaabada la iskugu laabay iyadoo dad isku abaabulayaan mudaharaad loogasoo horjeedo sicir bararka dollarka iyo maciishada.

Sarifka dollarka ayaa gaaray halkii ugu sareeyay abid, waxaana halkii dollar lagu sarifanayaa ku dhawaad konton kun oo shilinka Soomaaliga ah.

Waxaa taas sii dheer iyadoo xarumaha ganacsiga qaarkood ay diideen in ay wax ku iibsadaan lacagaha shilinka Soomaaliga oo aad u qiimo beelay.

Maamulka Puntland oo dhawaan sheegay inuu wax ka qabanayo sicir bararka dollarka ayaan weli qaadin tallaabo wax looga qabanayo arrintan.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online