4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 30, 2020
Dagaal culus oo subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug

 

Isniin, November, 30, 2020 (HOL) - Weerar culus oo qaraxyo ku bilaawday ayeey xoogagga Ururka Al-shabaab subaxnimadii hore ee saakay waxaa ay ku qaadeen deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Qaraxyada kaddib waxaa deegaanka ka bilaawday dagaal culus oo dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahannada Al-shabaab ee weerarka soo qaaday waxaana la soo sheegayaa in uu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalkan

Waxaa hawadda ka maqan isgaarsiinta deegaanka iyadoo ay gudaha u galleen xoogagga Ururka Al-shabaab sida laga soo xigtay dad ku sugan deegaannada ku dhaw dhaw Baacaadweyn.

War ka soo baxay Ururka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in xoogaggooda la wareegeen inta badan gacan ku heynta deegaankan lagu dagaalamay, laakiin dhinaca kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda.

Waa dagaalkii ugu cuslaa ee waayadan ka dhacay deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug,

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]