3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2020
Soomaaliya oo taageertay ujeeddooyinka iyo mabaadiida Ururka Iskaashiga Islaamka ee dhinaca Nabadda

 

Axad, November, 29, 2020 (HOL) - Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusman, ayaa hoggaamiyay wafdiga Soomaaliya uga qeybgalaya shirka 47aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo shalay oo Jimce ahayd ka furmay Magaalada Niamey ee Caasimadda Dalka Niger.

Shirka oo loogu talogalay inuu socdo maalmaha 27 iyo 28 bishan November ayaa halkudhiggiisu yahay (Midowga la dagaalanka argagixisada ee Nabadda iyo Horumarka) si loo caddeeyo sida ay uga go’an tahay dowladaha xubnaha ururkani la dagaalankooda argagixisada iyo xag-jirnimada fog si loo gaaro himilooyin horumarineed.

Hadal uu shirka ka jeediyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay ujeeddooyinka iyo mabaadiida Ururka Iskaashiga Islaamka si loo ilaaliyo nabada iyo Amniga caalamiga ah, iyo waliba dadaalada ay ku dooneyso in wadamada xubnaha ka ah ay ku gaaraan horumar.

Wasiiru dowluhu waxaa uu ka qeyb-galayaasha shirka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan soo celinta amniga iyo xasilloonida, isagoo muujiyay guulaha ballaaran ee ay dowladdu ka gaartay dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalka iyo sidoo kale wax ka qabashada xaaladaha xuquuqda Aadanaha.

Dhanka kale, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu kulamo docoleed la xiriiray xiriirka labo geesoodka iyo wax wada qabsiga uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Turkiga, 

Mudane Mevlüt Çavuşoğlu, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Islaamiga ee Pakistan, Mudane Shah Mahmood Qureshi, Wasiiradda ugu xil-saaran Arrimaha Jaaliyadaha Wasiirka Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Afrika iyo Jaaliyadaha ee Boqortooyada aanu walaalaha nahay ee Morooko, Marwo Nezha El Ouafi, Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Dr. Yousef Al-Othaimeen, iyo Madaxda wufuudda dowlado aanu walaalo iyo saaxiibo nahay oo ay ku jirtay Dowladda Qatar.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   













Click here
11/29/2020 1:55 PM EST
Axad, November, 29, 2020 (HOL) - Dableey hubeysan ayaa Caawa xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baledweyne ku dishay Nabadoon Xasan Ibraahim Nuur oo loo yaqiinay (Xasan Tiyeegoow).

11/29/2020 1:44 PM EST
Axad, November, 29, 2020 (HOL) -Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda dawladda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur oo goor dhaw ka hadlay warbaahinta dawladda ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib ugu yeeratay safiirkeeda Kenya danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, waxaana ay safiirka Kenya danjire Lucas Tumbo ku wargalisay in uu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

11/29/2020 10:25 AM EST
Axad, November, 29, 2020 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ciidamada Nabadgalyada Somaliland xireen xildhibaan Mustaf Dhuxuloow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya dhinaca kalana ah musharax madaxweyne oo u taaggan doorashada 2020-21 ee Soomaaliya

11/29/2020 8:58 AM EST
Axad, November, 29, 2020 (HOL) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan maanta Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ay ku yeesheen midowga musharixiinta Soomaaliya

11/29/2020 8:58 AM EST
Axad, November, 29, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta kulan la qaatay wafdi isugu jira Qaramada Midoobey, Midowga Europe, Midowga Africa iyo IGAD ayaa kalsooni ka muujiyay in ay Soomaaliya ka dhicidoonto doorasho wakhtigeeda dhacda.

11/29/2020 5:12 AM EST
Axad, November, 29, 2020 (HOL) - Wafdi ka socda Qaramada Midoobey, Midowga Europe, Midowga Africa iyo IGAD, ayaa kulan gaar ah Garowe kula leh Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

11/29/2020 5:03 AM EST
Axad, November, 29, 2020 (HOL) - Wasiirka warfaafinta dowladda federalka Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah dowlad goboleedyada in ay masuul ka yihiin dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya.

11/29/2020 2:51 AM EST
Axad, November, 29, 2020 (HOL) -Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Trukiga caafimaad u jooga tababarihii cayaartoydii gobolka Hiiraan ee bari-samaadkii.

11/29/2020 1:37 AM EST
Axad, November, 29, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in Caasimadda Hirshabeelle ay tahay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan isla mar ahaantana lagu qabanayo xaflada caleema saarka madaxweynaha Hirshabeelle.

11/29/2020 12:48 AM EST
Axad, November, 29, 2020 (HOL) - Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Janaraal Birhanu Julla ayaa Warbaahinta dawladda u cadeeyay inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta caasimadda Tigray ee Maqale.

11/29/2020 12:28 AM EST
Axad, November, 29, 2020 (HOL) - Taliyaha guud ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in ay sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ciidamadu fuliyeen ku dileen 8 xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

11/29/2020 12:02 AM EST
Axad, November, 29, 2020 (HOL) - Maxkamada Ciidamada Qalabka sidda ayaa saakay xukun dil toogasho ku filisay Maxamed Xaaji Axmed oo laakiin caan ku ahaa [Macalin Ilkacase] oo ay dowladdu ku tilmaamtay dilaagii ugu weynaa Al-shabaab iyo labo xubnood oo kale oo la shaqeyn jiray.