4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2020
Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay la wareegtay gacan ku heynta magaalada Mekelle

 

Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa Sabtidii maanta ku dhawaaqday in ay gacan ku dhigtay magaalada Mekelle oo ah xarunta Ismaamulka Tigrayga muhiim-na u aheyd jabhada TPLF

Warkan ayaa laga soo xigtay bogga Twitter -ka Ra'iisal Wasaare Abiy Ahmed waxaa jiray duqeymo culus oo dhinaca cirka oo ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ka fuliyeen magaalada.

Garoonka Diyaaraha, Xarumaha Bulshada, Xafiiskii maamulka gobolka iyo xarumo kale ayuu sheegay Abiy Ahmed in ciidamadu gacanta ku dhiggeen, sidoo kalana waxaa uu warku intaa ku darayaa in la sii daayay qaar badan oo ka mid ah saraakiishii taliska Waqooyi oo ay gacanta ku hayeen TPLF.

Ilaa hadda ma jirto cid ka madaxbanaan xafiiska Ra'iisal Wasaare Abiy Ahmed oo xaqiijineysa in ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya gacanta ku dhigeen magaalada Mekelle.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]