3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2020
Axmed Madoobe'' Doorasho kuma dhici karto sida maanta xaalka dalku yahay

 

Sabti, November, 28, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay ka baxday gabi ahaanba heshiisyadii doorasho ee lagu gaaray magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in sababta aysan dhankooda wali u soo magacaabin guddiyadii doorashada ee laga sugayay sabab u tahay in dowladda Federaalka dhankeeda ka baxday sida uu hadalka u dhigay dhamaanba heshiisyadii doorashada.

Gaar ahaan wuxuu soo hadal qaaday arintan gobolka Gedo  oo sida uu hadalka u dhiggay aan xiligan ku jirin gacanta maamulka Jubbaland.

''Dowlad Gobolleed walba labo magaalo ayaa loo asteeyay in ay doorashadu ka dhacdo, maanta gobolka Gedo gacanteena ma ku jirtaa, dowladda ayaa ka sameysay ciidamo iyo jabhado'' ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dalka ay ka dhici karto oo kaliya doorasho heshiis lagu hayay, laakiin inta dowladda Soomaaliya ay ku kaceyso falal ka baxsan heshiisyadii horey loo gaaray marnaba dalka doorasho ka dhici karin.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa imanaya xili wali labada maamul Jubbaland iyo Puntland aysan soo magacaabin guddiyadii laga sugayay in ay ka mid noqdaan guddiyada heer federaal ee doorashooyinka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   













Click here
11/28/2020 1:55 PM EST
Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa Sabtidii maanta ku dhawaaqday in ay gacan ku dhigtay magaalada Mekelle oo ah xarunta Ismaamulka Tigrayga muhiim-na u aheyd jabhada TPLF

11/28/2020 1:25 PM EST
Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - Xaalada magaalada Beledweyne ayaa guud ahaan caawa deggan kaddib dibadbax meelaha qaar rasaas leysku adeegsaday oo maanta ka dhacay.

11/28/2020 1:04 PM EST
Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - Wararka caawa naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxo hubeysan aay caawa ku dileen gudaha degmada Jalalaqsi guddoomiyahii Ciyaaraha degmadaasi Maxamed Xuseen Maxamed.

11/28/2020 12:42 PM EST
Sabti, November, 28, 2020 HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed ayaa beeniyay in dibadaxyo looga soo horjeedo maamulka uu madaxweyne ku-xigeenka ka yahay ka dhaceen maanta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

11/28/2020 12:22 PM EST
Sabti, November, 28, 2020 (HOL)- Generaal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo ah hoggaamiyaha Jabhada fadhiggoodu yahay deegaanka Ceelgaal ee dulleedka magaalada Beledweyne oo la hadlay BBC ayaa sheegay in ay diidan yihiin maamulka Hirshabeelle oo sida uu hadalka u dhigay ah maamul sharci darro lagu dhisay.

11/28/2020 10:15 AM EST
Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arimaha Dibadda taasi oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda.

11/28/2020 10:14 AM EST
Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan degdeg ah isugu yeeray laamaha amniga ayaa ka dhageystay warbixin la xiriirta amniga dalka.

11/28/2020 7:56 AM EST
Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - War ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu cambaareeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee xalay lagu qaaday maqaaxi ku taala magaalada Muqdisho oo lagu dilay 8 ruux oo dhalinyarro ah.

11/28/2020 7:00 AM EST
Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - Midowga Yurub ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen warka ku saabsan dil toogasho oo ah qisaas lagu fuliyay 6 maxbuus oo ku xirnaa xabsiga Mandheera, ee Somaliland, 26kii Nofeembar 2020.

11/28/2020 5:14 AM EST
Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta ogolaaday codsi ka yimid Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Denni oo ah in barlamaanka uusan ka doodin heshiiska DP world oo gacanta ku haysa dekeda Bosaso.

11/28/2020 3:58 AM EST
Sabti, November, 28, 2020 (HOL) -Qarax miino ayaa saakay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir lagula eegtay gaari uu la socday maareeyaha dekedda Muqdisho.

11/28/2020 1:19 AM EST
Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - Banaanbaxan oo ah mid aad u xoogan oo ay dhigayaan bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ka socda magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana banaanbaxa looga soo horjeeda maamulka Hirshabeelle.

11/28/2020 12:43 AM EST
Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar ismiidaamin ah oo xalay lagu qaaday goob lagu caweeyo oo kutaala agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

11/28/2020 12:35 AM EST
Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - Caqabad weyn ayaa ka taagan in lasii daayo maxaabiis burcad badeed ah oo ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Garowe, kuwaas oo ku dhawaad toban sano ka hor lagasoo wareejiyay dalka Sycheles.

11/28/2020 12:03 AM EST
Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - Waxaa kordhay tirada dhimashada ka dhalatay Qaraxii xalay lagu weerarray maqaaxi lagu iibiyo Jalaatada oo ku taala Waddada xiriirisa KM4 iyo Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.