4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 26, 2020
Sheikh Shariif: Madaxwyene Farmaajo wuxuu naga haleeyay waan ka cafinay, laakiin doorashada dhexda hasoo dhigo
 

Khamiis, November, 26, 2020 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheikh Shariif kana mid ah murashixiinta u sharraxan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta isagoo ka hadlayay shirka murashixiinta, wuxuu madaxweyne Farmaajo ugu baaqay inuu doorashada ka dhigo mid dhexda u taala murashixiinta oo idil.

Sheikh Shariif ayaa sheegay isagoo ku hadlayay afka murashixiinta in ay madaxweynaha ka cafiyeen wax walba oo ay dowladda u geysatay siduu hadalka u dhigay, balse taas bedelkeed wuxuu tilmaamay in ay doonayaan in madaxweynaha doorashada ka dhigo mid loo siman yahay.

“Madaxweyne haddaan ku dhahnay doorashada dhexda noosoo dhig, dagaal miyaa? Tabeelaahaaga miyaa la burburiyay labadii jeer ee aad musharaxa ahayd,” ayuu yiri Shariif.

Si kastaba ahaatee, war murtiyeedkii maanta kasoo baxay shirkii murashixiinta ayaa waxaa qeyb ka ahaa in uu xilka baneeyo taliyaha nabad sugida Fahad Yaasiin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]