4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 26, 2020
Somaliland oo Lix ruux toogasho ku fulisay

 

Khamiis, November, 26, 2020 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa dil toogasho ku filsay Lix ruux oo loo heysatay in ay horey dilal u geysteen.

Raggan toogashada lagu fuliyay horey maxkamada Somaliland dil ugu xukuntay, inkastoo qaar ka mid ah eheladooda ku tilmaameen xukunkaasi in  uu ahaa mid sharci darro ah.

Saakay oo Khamiis ah ayeey fulinta xukunka toogashada ah ka dhacday dulleedka Xabsiga weyn ee Mandhera, waxaana ay kala yihiin ragga lagu fuliyay Yaasiin Maxamed Yuusuf, Sharmaarke Sahal Oogle, Quulle Maxamed Cilmi, Khaalid Cabdi Xaydar, Khadar Maxamed Warsame iyo  Cabdikariim Maxamed Mahdi, 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu waramayaa in ugu danbeyntii uu fasaxay islamarkaana saxiixay fulinta  toogashada Lixda ruux.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]