4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 26, 2020
Ciidamo aad u hubeysan oo la wareegay Baro-koontarool oo kuyaala afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Baledweyne


Khamiis, November, 26, 2020 (HOL) - Ciidamo aad u hubeysan oo ka careysan hanaankii loo maray dhismaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa saaka la wareegay baro koontarool oo ku yaala afaafka hore ee garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

Barta koontarool oo ay ciidamadan la wareegeen ayaa aheyd goob ay canshuurta ugu qaadi jireen ciidamada Booliska Baledweyne gadiidka ka baxaya gudaha magaalada iyo kuwa soo galayaba waxaana si nabad ah saaka koontaroolkaasi ula wareegay ciidamada la baxay Samata Bixinta Hiiraan.

Afhayeen u hadlay ciidamada oo lagu magacaabo Shaafici Maxamed Yuusuf ayaa sheegay iney si nabad galyo ah saaka ula wareegeen gacan ku heynta barta Koontarool ee canshuuraha, sidoo kalana ay ciidamadoodu ku hareersan yihiin garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

Waxa uu intaasi ku daray Afhayeenka ciidamada maanta soo galay gudaha magaalada Baledweyne lana wareegay goobo muhiim ah in aay ka dambeyso warar sheegaya in lagu wado inuu maanta soo gaaro Baledweyne madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo ay kasoo horjeedaan imaashahiisa Baledweyne.

Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ayaa walwal xoogan ka qaba in lagu dul dagaalamo maadama ciidamadan aad u hubeysan oo sheegaya iney diyaar u yihiin la dagaalanka madaxda Hirshabeelle.

Dhanka maamulka gobolka ma jirto wax war ah oo kasoo baxay oo ku saabsan ciidamadan hubeysan ee saaka la wareegay fariisimo muhiim ah oo ku yaala afaafka hore ee garoonka diyaarahada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]