3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 25, 2020
Al-shabaab oo hal goob ku dilay dad isku Qoys ah

 

Arbaco, November, 25, 2020 (HOL) -Wararka naga soo gaaraya degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegay in Al-shabaab toogasho ku dileen dad hal qoys ka tirsanaa.

Al-shabaab oo weeraray guriga ay ku noolaayeen qoyskan ayaa  dilay 7 ruux oo ka koobnaa Hooyo,Aabihii reerka iyo caruur ay dhaleen.

Aabaha Guriga ee weerarka ku dhinatay ayaa la sheegay in uu ahaa askari ka tirsanaa militariga Soomaaliya isaga oo isku dayay in uu iska caabiyo weerarka uga yimid xoogagga Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeysay dilkan dadka halka qoys ka koobnaa oo siweyn argagax ugu abuuray bulshada ku dhaqanka gobolka Bakool.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa ka tacsiyadeeyay dadkaasi Al-Shabaab ku dileen degmada Waajid, isaga oo arin nasiib darro ah ku tilmaamay dilka loo geystay qoyska.

Dhawaan ayeey aheyd markii Al-shabaab isla gobolka ku gubeen 7 gaari oo xamuul ah oo ay lahaayeen dad shacab ah kana anbabaxay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   















Click here
11/25/2020 2:23 PM EST
Arbaco, November, 25, 2020 (HOL)-Xiddigii kubadda cagta ee dalka Argentina Diego Maradona ayaa maanta geeriyooday kadib markii wadanaha uu istaagay, sida uu sheegay qareenkiisa.

11/25/2020 12:44 PM EST
Arbaco, November, 25, 2020 (HOL) - Waxaa magaalada Laascaanood soo gaadhey xubno wasiiro ah oo ka soo kicitimay magaalada Hargeysa iyadoo ay qaar kalena soo socdaan.

11/25/2020 12:35 PM EST
Arbaco, November, 25, 2020 (HOL) - Munaasabad uu ku shaacinayay inuu xilka madaxweynaha Soomaaliya u taagan yahay musharax Cabdi Cabdulaahi Xaashi, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya, iyadoo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

11/25/2020 5:28 AM EST
Arbaco, November, 25, 2020 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa sheegay in musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ee walaaca ka muujiyay Guddiyada doorashooyinka Qaranka uu diyaar u yahay in uu kala hadlo guddiyada iyo wax loo idmaday.

11/25/2020 2:29 AM EST
Arbaco, November, 25, 2020 (HOL) - Xildhibaano katirsan Galmudug ayaa u yimid Puntland sidii ay maamulka Puntland ugala wareegi lahaayeen maxaabiis Burcad badeed ah oo kasoo jeeda Galmudug, kuwaas oo sanado badan ku xiran xabsiga dhexe ee Garowe.

11/25/2020 1:54 AM EST
Arbaco, November, 25, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa murashiixnta mucaaradka ugu baaqay in aysan cabashadooda ku salaynin rabitaankooda iyo in loo yeelo sida ay iyagu doonayaan.

11/25/2020 12:15 AM EST
Arbaco, November, 25, 2020 (HOL) Sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada ee dalka Itoobiya waxaa dib loo dhigay ilaa wakhti aan la shaacin imtixaankii fasalka 12aad ee Itoobiya.

11/25/2020 12:10 AM EST
Arbaco, November, 25, 2020 (HOL) - Ridwaan Xirsi Maxamed oo horey Ra'iisal Wasaare ku-xigeen uga soo noqday dalka Afhayeenka musharixiinta ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shakiga laga qabo doorashada iyo hannaanka ay wax u maamuleyso madaxtooyada cid walba gaartay.