3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 25, 2020
Ridwaan Xirsi '' Guddoonka Golaha Shacabka waxey noo muujiyeen dareen la mid ah kan aynu ka qabno doorashada

 

Arbaco, November, 25, 2020 (HOL) - Ridwaan Xirsi Maxamed oo horey Ra'iisal Wasaare ku-xigeen uga soo noqday dalka Afhayeenka musharixiinta ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shakiga laga qabo doorashada iyo hannaanka ay wax u maamuleyso madaxtooyada cid walba gaartay.

Wuxuu sheegay in kulan ay la yeesheen Guddoonka Sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya ku soo bandhiggeen xaalada guud ee dalku marayo iyo walaaca laga qabo in ay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah Isaga oo yiri '' Waxaa xusid mudan in Guddoonka Golaha Shacabku naga ajiibeen martiqaadkii aynu u dirnay si fiicanna  inoo dhageysteen iyaga laftirkoodu cabiray in ay qabaan dareen la mid ah kan aynu ka qabno doorashada''

Ridwaan ayaa intaa ku darray in shirkan oo maalintiisii shanaad galay ay ku soo biireen dhamaanba qeybaha kala duwan ee bulshada oo ku soo booqanayay sida uu hadalka ku dhigay madasha ay ku shirsan yihiin ee Hotelka Jazeera.

''Waxeynu la kulannay Ururradii bulshada rayidka, waxaan is aragnay, Culimada, Waxgaradka, Haweenka iyo Dhalinyarrada Soomaaliyeed, sidoo kale waxaan khadka ku wada hadalnay xubnaha beesha caalamka oo dhamaantood aan la wadaagnay rabitaanka ah in ay dalkan ka dhacdo doorasho leysla ogol yahay'' ayuu yiri Ridwaan Xirsi.

Dowladda Soomaaliya wali wax war ah dhankeeda kama aysan soo saarin shirarka Muqdisho uga soconaya siyaasiyiinta mucaaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaa oo dhamaantood looga hadlayo arrimaha doorashada iyo in dowladdu ay u maamuleyso si aan isku dheeli-tirneyn.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]       




















Click here
11/25/2020 2:23 PM EST
Arbaco, November, 25, 2020 (HOL)-Xiddigii kubadda cagta ee dalka Argentina Diego Maradona ayaa maanta geeriyooday kadib markii wadanaha uu istaagay, sida uu sheegay qareenkiisa.

11/25/2020 12:44 PM EST
Arbaco, November, 25, 2020 (HOL) - Waxaa magaalada Laascaanood soo gaadhey xubno wasiiro ah oo ka soo kicitimay magaalada Hargeysa iyadoo ay qaar kalena soo socdaan.

11/25/2020 12:35 PM EST
Arbaco, November, 25, 2020 (HOL) - Munaasabad uu ku shaacinayay inuu xilka madaxweynaha Soomaaliya u taagan yahay musharax Cabdi Cabdulaahi Xaashi, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya, iyadoo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

11/25/2020 6:54 AM EST
Arbaco, November, 25, 2020 (HOL) -Wararka naga soo gaaraya degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegay in Al-shabaab toogasho ku dileen dad hal qoys ka tirsanaa

11/25/2020 5:28 AM EST
Arbaco, November, 25, 2020 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa sheegay in musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ee walaaca ka muujiyay Guddiyada doorashooyinka Qaranka uu diyaar u yahay in uu kala hadlo guddiyada iyo wax loo idmaday.

11/25/2020 2:29 AM EST
Arbaco, November, 25, 2020 (HOL) - Xildhibaano katirsan Galmudug ayaa u yimid Puntland sidii ay maamulka Puntland ugala wareegi lahaayeen maxaabiis Burcad badeed ah oo kasoo jeeda Galmudug, kuwaas oo sanado badan ku xiran xabsiga dhexe ee Garowe.

11/25/2020 1:54 AM EST
Arbaco, November, 25, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa murashiixnta mucaaradka ugu baaqay in aysan cabashadooda ku salaynin rabitaankooda iyo in loo yeelo sida ay iyagu doonayaan.

11/25/2020 12:15 AM EST
Arbaco, November, 25, 2020 (HOL) Sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada ee dalka Itoobiya waxaa dib loo dhigay ilaa wakhti aan la shaacin imtixaankii fasalka 12aad ee Itoobiya.