4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2020
Guddoomiyaha Gobolka Minnesota ayaa ku dhawaaqay afar toddobaad oo 'dib isu celin' ah si loo xakameeyo faafida COVID-19

Talaado, November, 24, 2020 (HOL) -  Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz ayaa ku dhawaaqay ficillo cusub oo lagula dagaallamayo faafida COVID-19 ee gobolka ka dib markii tirada bukaannada cudurkani sii badatay. Guddoomiye Walz wuxuu ku dhawaaqay 4 toddobaad oo hakad la galin doono howlaha iyo dhaqdhaqaadyada bulshada maadaama isbitaallada ay ku dhow yihiin halis iyo buux-dhaaf.

“Maanta waa maalin taariikh murugo leh ah inta aan ku jirnay cudurkan safmareenka ah oo ay innooga geeriyootay COVID-19 in ka badan 3,000 reer Minnesota ah,” ayuu Guddoomiye Walz yiri. “Dadkaasi faraha badan ee innaga dhintay qalbi jab weyn ayay ku tahay gobolkeenna. Waxaynu ku dhawnahay xaallad adag oo isbitaaladeenna dib u soo celiyaan bukaannada cusub haddii arrintu sidaani ku sii socoto. Go’aannad aan maanta ku dhawaaqnay waxay innaga xijaabi doonaan in qoysas kale oo badani aysan waayin ehelkooda ee jecel yihiin iyo in isbitaaladeenna ay daaweyn karaan inta xanuunsata. Inkastoo waxa la samaynayo ay dad badani aad ugu adag tahay, haddana waa sida ugu dhaqsaha badan aan dib ugu soo noolayn karno dhaqaalaheenna, caruurteenna ay dugsiyada u sii dhigan karaan, iyo aan dib ugu soo noqon karno ficilladii aan jeclayn.”

Laga bilaabo Jimcaha, Nofembar 20, saacaddu markay tahay 11:59 pm ilaa Jimacaha, Disembar 18, ficillo badan oo ay dadka guryahooda banaanka ugu bixi jireen waa la joojiyay. Maqaaydaha waxay hawshooda ku ekaan doontaa samaynta dalabyada la-qaadanaayo iyo kuwa la-geeynayo oo kaliya. Dhammaan Rugaha ciyaaraha, jimicsiyada, shirarka, xafladdaha, maaweelooyinka, iyo wixii la mid ah (iwm), waxaa loo baahan yahay in ay xernaadaan. Goobaha ciyaaraha dhallinyada iyo dadka waaweyn waa la hakin doonaa. Goobaha ganacsi qaarkood way furaan doonaan laakinse waa in ay u dhaqmaan si taxadir ah.

Inkasta uu guddoomiyaha qirtay in xadidaadahan cusubi ay tahay mid “adag oo muhiin ah,” waxa uu sheegay in xeerrarkani cusub ay ka duwan yihiin amarradii muhiimka ahaa ee “Guriga-jooga” ee uu soo saaray bishii Maarso.

Guddoomiye-ku- xigeen Peggy Flanagan waxay sheegtay in taxadirradani ka hortaga ah ay ku caawin doonaan Minnesota in ay ahaato gobol nabad ka ah cudurkan safmareenka ah inta lagu jiro fasaxyada ciiddaha.

“Waan ogahay in fasaxyada soo socda aan si aan la rumaysan karin u adagtahay in guryaha la joogo iyo go’doonna la kala noqdo, laakinse waa sida aan dadka aan jecel nahay u dhawri karno caafimaadkooda iyo nabaddooda.” Waxay kaloo ay ku dartay “Meel iiga qor, ma jirto dabaaldeg lagu beddelan karo in aad waysid qof kursi kuu dhaw fadhin jiray dabaaldeg kasta, kursigaasna weligiis marnaada. Dib isu celintani waxay innagu caawin doontaa in aanu samayno wax kasta oo aan awoodno si sannadka xiga miisaskeenna u wada buuxaan.