4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 24, 2020
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo golaha ammaanka u gudbiyay warbixin ku saabsan guddiyada doorashada ee lagu muransan yahay
 

Talaado, November, 24, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa golaha Ammaanka ee qaramada Midoobay la wadaagay warbixin ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo sida dowladda ugu diyaar garoobayso inay qabato doorasho hufan.

Raysal wasaaraha ayaa u sheegay golaha ammaanka in howlaha doorashooyinku marayaan meel wanaagsan islamarkaana guddiyadii loo magacaabay doorashooyinka ay howlo wanaagsan hayaan.

Waxaa uu raysal wasaaruhu hoosta ka xarriiqay in qoondada haweenka ee 30% ah la xaqiijindoono. 

” Way naga go’an tahay in aan ilaalinno qoondada haweenka ee 30%, xeer hoosaadkii baarlamaanku dhawaan ansixiyay ayaa si cad u qeexaya in ujeeddada loo socdaa tahay in matalaadda haweenku gaarto 50%”, ayuu yiri raysal wasaaruhu.

Hadalka Raysal wasaaraha ayaa kusoo aadaya xilli uu khilaaf adag ka taagan yahay guddiga doorashooyinka iyadoo murashixiinta mucaaradku dalbadeen in la bedelo dhammaantood.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]