4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 23, 2020
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo Galdogob ka dhagax-dhigay dhisme u adeegaya Bulshada

Isniin, November, 23, 2020 (HOL)- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax  ayaa galinkii dambe ee shalay ka  dhagax-dhigay degmada Galdogob ee gobolka Mudug dhisme ballaaran oo noqonaya xarun Bulsho.

Dhismahaan ayaa dadka deegaanka ka caawinaya inay helaan xarun u gaar ah oo ay ku qabsan karaan kulamada iyo shirarka, waxaa kalo uu dhismahaan yeelan doona xafiisyo ay adeegsanayaan odayaasha deegaanka.

"Waxaa noo suragashay dhismahaan muhiimka ah inan dhagax dhigno , wuxuu wax badan ka tari doonaa bulshada inay helaan goob u adeegta danahooda iyo aayo -ka tallintooda." ayuu yiri wasiir Duraan.

"Muddada uu socda dhismaha xaruntan wuxuu deegaanka ku soo siyaadinaya shaqo abuur taas ayaana ah midda sida gaarka ah ii taabaneysa." ayuu ku daray.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay Dawladda Norway oo mashruucan taageeraysa, hay'adda taageerada caalamiga ah ee NIS, Dawladda iyo maamulka degmada Galdogob oo iska kaashanaya fulinta xarunta Bulsho.

Guddoomiyaha degmada Galdogob, guddoomiyaha odayaasha guurtida iyo xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka degmada ayaa ka qeybgalay dhagax dhiga dhismahaan.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]