4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 23, 2020
Puntland oo shir degdeg ah ka yeelatay khasaaraha ka dhashay duufaanta GATI ee ku dhufatay gobolka Bari
 

Isniin, November, 23, 2020 (HOL) - Puntland ayaa shir degdeg ah ka yeelatay musiibada ka dhalatay duufaanta GATI oo ku dhufatay Gobolka Bari, iyadoo ay isisoo tarayaan khasaaraha kala duwan ee ka dhashay.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa shir-guddoomiyay shirkaan oo la isugu yeeray dhammaan wasiiradda iyo hay'adda musiibooyinka, si looga tashado sidiii gurmad degdeg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu soo gaartay

Waxaa lagu wadaa inuu madaxweyne ku xigeenku magacaabo guddi wasiirro ah oo loo xilsaarayo sidii ay ugu kuurgali lahaayeen wax ka qabashada xaaladda biniaadanimo ee ka jirta degaanada ay waxyaaladu gaarsiiyeen duufaanta iyo roobka.

Maamulka Puntland wuxuu sheegay in 7 qof oo u dhashay dalka Yemen ay ku dhinteen duufaanta, kuwaas oo ahaa kalluumaysato Yemeniin ah badda ku jiray xilliga duufaanta.

Sidoo kale, magaalooyinka Xaafuun iyo Hurdiya oo katirsan gobolka Bari, ayay duufaantu u geysatay khasaare xoogan, iyadoo dumisay guryo iyo waddooyin muhiim ahaa. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]