4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 22, 2020
Ra'iisal Wasaare Rooble'' Safarkeyga Baydhabo waa mid shaqo oo ka mid ah qorshaha xukuumadda

 

Axad, November, 22, 2020 (HOL)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaay  magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur galbeed.

Safarka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku qotoma wada-shaqaynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ay dowladdu u qorsheysay deegaannada Koonfur Galbeed .

Ra’iisal Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowlad Goboleedka Koonfur galbeed sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in socdaalkiisa qeyb ka yahay dardargelinta mashaariicda horumarineed iyo barnaamijka Xukumadda ee Boqolka maalmood.

“Baydhabo waa magaaladii ugu horraysay ee aan booqdo tan iyo intii aan xafiiska imid, safarkaan waa mid shaqo oo qayb ka ah barnaamijka Xukuumadda ee 100ka maalmood, waxaana furi doonnaa mashaariic la hirgaliyay, kuwa cusubna waan dhagax dhigi doonnaa, shacabka Koonfur galbeedna waan uga mahadcelinayaa soo dhaweynta aad ii fidiseen”.

Inta uu joogo Baydhabo ayuu kulamo kala duwan la qaadan doonaa mas'uuliyiinta, odayaasha deeganka iyo bulshada rayidka Koonfur galbeed si uu uga dhagaysto warbixinno ku saabsan nolosha deegaannada, caqabadaha jira iyo talooyinkooda ku aaddan horumarinta dalka.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa uga mahadceliyey Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdiga uu hoggaaminayo booqashada ay ku yimaadeen deegaanka, waxuuna tilmaamay in ay yeelan doonaan wadatashiyo waxtar u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]