4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 22, 2020
COVID-19: Minnesota xaalkeedu meel xun ayuu marayaa

Sii badashada joogtada ah ee tirooyinka guud ee bukaannada cudurkan halista ah waxay tilmaamayaa in cudurkan si dhaqso ah ugu sii fidayo Minnesota.

Culeysyada shaqo ayaa aad u sii kordhayay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, taas oo keentay in ay bataan dadka isbitaallada la gaynayo iyo kuwa dhimanaayo.

Mas'uuliyiinta gobolka ayaa ka walwalsanaa in kulamadii dadka ee dhacay dhamaadkii xagaaga iyo horaanta dayrta, dhacdooyinka isboortiga iyo isu imaatanka bulshada aan rasmiga ahayn in ay keennaan kor u kaca cudurka faafa bisha Oktoobar maaddaama reer Minnesota ay sahal sadeen iska ilaalinta fayraska. Taasi way dhacday, bisha Noofeembarna fara ba’an ayay ku haysaa.

"Minnesota waxay kujirtaa waqti xun ... wayna kasii dari doontaa ka hor intaysan fiicnaan," Ehresmann ayaa usheegtay wariyayaasha Isniintii. Waxayna ka codsatay reer Minnesota inay ku labistaan gafuur-xer marka ay joogaan meelaha bulshada ku kulunto, kala fogaadaan iyo in ay ku dadaalaan siday u joojin lahaayeen faafida cudurkan halista ah.

Boqolkiiba 12.3 dadka la baaray ee gobolka ayaa laga helay cudurka waqtigan la joogo, taaso saddex jeerk in ku dhaw ka sarreysa tirooyinkii bil ka hor.

In kasta baaritaannada badan ee caafimaad kor u qaadaan tirada dadka buka, "ma aha baaritaannada caafimaad dhibaatada jirta,” ayay Ehresmann tiri. "Waase xaqiiqda dhabta ah ay tahay in fayras fara badan ku wareegayo gobolkeenna."

Xanuunka oo da’ walba ku fiday

Bishii la soo dhaafay waxaa si la yaab leh u soo batay dad da’ waliba ah ee qaba cudurka faafa.

Weli 20 jirada ayaa ugu badan dadka cudurkan uu ku dhacay ee gobolkan: 34000 qofood uu cudurka ku dhacay, 18,999 ka mid ah waxay da’doodu u dhexeysaa 20-24 sano.

Waxaa soo baxay macluumaadyo cusub oo ku saabsan bukaannada COVID-19 ee Minnesota

oo ku saleysan da’da dadka. Tirada carruurta dugsiyada sare ee la xaqiijiyey in uu ku dhacay cudurkan ayaa aad u korortay, in ka badan 13,500 arday oo da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 19 sano ayaa xanuunkan uu ku dhacay tan iyo markii uu bilaabmay.

Tiradaas ayaa caddayn muuqata innoogu filan sababta ay saraakiisha sare ee caafimaadka u rumaysan yihiin in dhallinta yar yar iyo kuwa qaan-gaarka ah ay yihiin kuwa faafiya fayrayka COVID-19.

In kasta oo aan marka hore la dareemin saameynta ugu xun ee cudurka oo ugu dambaytii cisbitaal lagu gayndoono, dadka aqoonta gaarka ah u leh cudurrada faafa waxay ka walwalsan yihiin in dhallinyarada iyo qaan-gaarada da’da yar inay ku faafiyaan awooweyaashood iyo dadka kale ee nugul. Gaar ahaan arrintaani waa mid walaac badan waayo dadku ayagoo xumbaarsan Karoona fayras ayay faafin karaan COVID-19 ayagoo lahayn astaamaha cudurka.