4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 22, 2020
Warkii ugu dambeeyay ee COVID-19 ee MN

Tirada ugu badan ee bukaan ilaa iyo hadda la diiwaan geliyay; sariirraha isbitaalka oo buuxsamaya; 31 bukaan xijaabatay.



Maalin kale iyo mar kale oo ah diiwaan gelinno muruggo leh oo aan horray loo arag ee cudurka safmareenka COVID-19 ayaa Minnesota ka jira.

Waaxda Caafimaadka ayaa Arbacadii soo warisay in ay xaqiiq tahay 3,844 qofood laga helay cudurka faafa ee halista ah. Waana tirada ugu badan ee hal maalin la diiwaan galiyo ilaa iyo hadda, ka dib markay kor u dhaaftay tiradii Talaadada ee ahayd tii ugu badnay usbuucii tagay.

Waqtigan la joogo, qiyaastii 900 qofood oo qaba cudurka COVID-19 ayaa cisbitaal ugu jira Minnesota, in ka badan 200 oo ka mid ahna u baahan yihiin daryeel degdeg ah, waana waxa ku dhaw dhacdooyinkii ugu sarreeye ee diiwaan gashan; Inta dhimatayna waxaa ku korortay 31 qofood.

Celceliska dadka u xanuunsaday cudurkan halista ah toddobadii maalmood ee ugu dambaysay ayaa ah in ka badan 3,000 qofood maalintiiba, taaso ah laba jibbaarka inta ay ahayd labadii isbuuc ee ka horreysay. “Reer Minnesota waa inay u diyaar noqdaan mustaqbalka dhaw in ay arkaan 4,000 qofood oo u jiratay COVID-19 maalintiiba”, Guddoomiyaha Caafimaadka, Jan Malcolm, ayaa u sheegay wariyayaasha Arbacadii.

"Waxa hadda ka dhacaya Minnesota waa wax niyad jab iyo cabsi gelin leh," ayay Jan tiri, iyadoo faafitaanka cudurkan ku matashay kan dabka sida ba’an wax u halaaga. “Xanuunkani waxa uu na daraynsiiyay in nalaga adkaay. Dibna uga dhacnay ka hor taga fidida degdegga ee fayraskan”.

Waxay mar kale ka codsatay reer Minnesota in ay masuuliyad dheeraad ah iska saaraan sidii loo joojin lahaa faafitaanka cudurkan iyagoo xeranaya gafuur-xer marka ay joogaan meelaha dadka ku kulmo, in ay ku dhaqmaan xeerka kala fogaanshaha dadka iyo in ay gurigooda joogaan marki ay jiran yihiin.

"Hal meel isugu soo uruurinta dad badan aad bay khatar u tahay waqtiga hadda joogo,” ayay tiri.

Kulamada aan caadiga ahayn ayaa aad u fidiya fayraska dilaaga ah

Tirooyinka cusub ee cudurkan safmareynka ah ayaa muujinaya fiditaan baahsan oo aan ku xernayn deegaan ama dad gaar ahaaneed, sidii horray u dhici jirtay.

Waxaa hadda fidida cudurkan keena dadka reer Minnesota oo aan si aan ku talagal ahayn meel ku kulma ama isugu yimaada qoysqoys ama asaxaab ahaan oo qaar ka mid ah dadkaasi ay sidaan fayriska cudurka keena laakinse ayan ka muuqan astaamaha xanuunka, siday ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Xogta Arbacadii ayaa muujisay diiwaan gelin kale oo aan horray u dhicin oo ku saabsan tirada bukaanada la xaqiijiyay, kana u badan 20,000 qofood.
 
“Awoodda inta uu qaado isbitaalka way sii yaraanaysay marka tirada bukaannada sii badataba. Boqolkiiba 98 sariirraha daryeelka degdegga ee bartaha Magaaladaha Mantaanaha ah way buuxsameen; gobolka oo dhan, intaas in yar ka yar”, agaasimaha cudurrada faafa ee gobolka, Kris Ehresmann, ayaa Arbacadii sheegay.

Inta la xaqiijiyay, 160,923 bukaan, ilaa iyo hadda ee u jiratay cudurka safmareenka, boqolkiiba 85 ka mid ah way bogsoodeen umana baahna in ay is-karantiilaan.

Tirada dhimashada la soo wariyay Arbacadii waxay kor u qaadday tirada dadka geeriyooday

ee reer Minnesota ilaa hadda oo noqotay 2,530 qofood. Dadkaasi dhintay, boqolkiiba 70 ka mid ah waxay ku noolaayeen guryaha daryeel muddada dheer ama kuwa lagu gargaaro dadka sakaraadka ah; kuwaasoo badankood dhibaato caafimaad horray u qabay.