4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 22, 2020
Shirka Siyaasiyiinta mucaaradka oo maalintii labaad ka soconaya Muqdisho

 

Axad, November, 22, 2020 (HOL)-- Waxaa maalintii labaad Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ka soconaya shirka siyaasiyiinta mucaaradka iyo musharixiinta madaxweynaha uga furmay maalintii shalay kaasoo lagu gorfeynayo arrimaha doorashooyinka dalka.

Musharixiinta shirka ka qeybgalaya ayaa qaba walwal dhinaca doorashada ah iyo in dowladda hadda jirta damacsan tahay ku shubayo dhinaca codadka ah, waana tan keentay qabsoomida shirkan oo la filayo in la soo gabagabeeyo maalinta berri ah.

Daahir Maxamuud Geelle Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya kana mid ah mushariixinta ku shirsan Muqdisho oo maalintii shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay jirto khadar ku soo wajahan sida uu hadalka u dhigay Dimuquraadiyada curdanka ah ee Soomaaliya, sidaa daraadeed ay waajib ku tahay in ay ka hortagaan.

Dhinaca Dowladda Soomaaliya wali wax war ah kama aysan soo saarin shirarka Muqdisho uga soconaya siyaasiyiinta mucaaradka oo culeys iyo cadaadis siyaasadeed  ku saaraya in ay ka laabato guddiyada ay u saartay doorashada.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]