4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 21, 2020
Dooxada degmada Xuddun oo dab baabiiyey
 

Sabti, November, 21, 2020 (HOL) - Dab baaxad leh ayaa baabiiyey guud ahaan dooxada degmada Xuddun ee gobolka Sool shalay gelinkii danbe xalay taas oo illaa haatan baxaysa.

Dabkan oo ahaa mid aad u baaxad balaadhan ayaa baabiiyey dhul dherer ahaan ku dhow 4Km. Iyo balaca oo aan ka yarayn hal kiiloomitir.

Dadka magaalada ayaa illaa habeenimadii xalay ku hawlanaa sidii loo joojin lahaa dabka oo dabaylo dhacayey iyo baad badan oo ku yaaley ayaa saamixi waayey in la bakhtiiyo.

Dad goobjoog ah ayaa HOL u sheegay in dhaawacyo ka soo gaadheen dadkii daminayey oo aan lahayn hagid iyo isku xidhnaan.

"Waxaa ilaa haatan baxaya damaladii waaweynaa, waxaa adkaatay in la helo biyo, dadkiina waa daaleen" ayuu yidhi Cabdirashiid Cali oo intaas raaciyey in dadkii deganaa laga raray oo jaanis loo helay dadka gurmadka oo badnaa.

Gubashada Dooxada Xuddun ayaa ku soo beegantay xili xaalad abaareed aad looga cabsi qabo, iyadoo aanay jirin wax roob ah oo la sheego oo helay degaankaas, taas oo kaydka daaq ee dooxadaasi boqolaal qoys isku halaynayeen.

Seynab A. Warsame