4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 19, 2020
Ra'iisal Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday Wasiirkii Arrimaha dibadda mid cusubna magacaabay

 

Khamiis, November, 19, 2020 (HOL)- Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad isaga oo xilkan u  magacaabay mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Wasiirka Wasaarrada Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe  ayaa goor dhaw shaaciyay warkan balse Wasiirku ma uusan bixin faah faahin intaa dhaafsiisan.

Xil ka qaadistaan ayaa waxay wararku sheegayaan in ay salka ku hayso aragti kala duwanaansho la xiriirta dagaalaka ka socoda dalka Itoobiya.

Wasiir Dubbe ayaa sidoo kale sheegay in Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay safiir  Axmed Ciise Cawad.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]