4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 19, 2020
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo Baledweyne gaaray


Khamiis, November, 19, 2020 (HOL) - Wafdi uu hogaaminaayo madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa maanta soo gaaray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisa ayaa si heer sarre ah waxaa u soo dhaweyay madaxda maamulka gobolka iyo kuwa degmada Baledweyne iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Baledweyne.

Yuusuf Dabageed oo dhawaan loogu doortay magaalada Jowhar madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa isagoo wali la caleema saarin safarkiisii ugu horeyay kusoo gaaray magaalada Baledweyne.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed oo warbaahinta kula hadlay xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in wafdigiisa aay hordhac u yihiin imaashaha madaxweynaha maamulka Hirshabeelle iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo uu sheegay in saddax maalin kadib ay Baledweyne soo gaari doonaan caleema saarkana uu ka dhaci doono magaalada Baledweyne, kadibna ay dhameyn doonaan wax walba oo tabasho ah oo ay qabaan shacabka reer Hiiraan.

Doorashadii Hirshabeelle ayaa dhacday iyadoo ay jireen qaar ka mid ah beelaha Hirshabeelle dega oo aanan ku qanacsanen dhismaha Hirshabeelle labaad.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]