4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 19, 2020
Qaar kamid ah senatarada kasoo jeeda gobolada waqooyi oo kasoo horjeestay mowqifka guddoomiyaha aqalka sare
 

Khamiis, November, 19, 2020 (HOL) - Qaar kamid ah Senatarada kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Somaliland ayaa kasoo horjeestay mowqifka guddoomiyaha aqalka sare uu ka taagan yahay arrimaha doorashooyinka.

Shir jaraaid oo ay qabteen ayay ku sheegeen in guddoomiyaha aysan ku raacsanayn diidmada guddiyada doorashooyinka gobolada waqooyi ee dowladdu magacowday waxayna sheegeen in ay tahay diidmo shakhsi ah oo uusan cidna kala tashan.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen inuu guddoomiyuhu la tashado uu talada ka qaato siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda  oo dano gaar ah wata, kuwaas oo iskugu jira kuwa kasoo jeeda Somaliland iyo kuwa kale oo aan kasoo jeedin deeganadaas.

Waxay kaloo ku eedeeyeen guddoomiyaha aqalka sare in  qoraalada uu saarayo aysan ahayn kuwa aqalka sare u codeeyeen oo la isku waafaqsan yahay ayna u arkaan aragtiyo isaga u gaar ah.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]