4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 17, 2020
Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya oo shaacisay in 153 kiis oo Covid19 ah laga diiwaan galiyay Soomaaliya
 

Talaado, November, 17, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee dowladda Soomaaliya, Drs, Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa maanta shaacisay in 153 qof laga helay cudurka Covid19, kadib baaritaan lagu sameeyay dad ka badan shan kun oo qof, mudadii u dhexeysay 1 illaa 17 November.

Wasiirka caafimaadka oo warkaan ku shaacisay shir jaraa’id oo ay Muqdisho ku qabatay, ayaa sheegtay in cudurka uu sameeyay soo labo kaclayn, waxayna sidoo kale shaacisay inuu hal qof u geeriyooday.

Dhinaca kale, wasiirka caafimaadka waxay sheegtay hay’adda UNSOS oo baaritaan ku sameysay 443 qof, in 257 kamid ah laga helay cudurka, inkastoo ay wasiiraddu tilmaamtay in ay hay’adda soo gudbisay ka sugayaan macluumaad dheeraad ah.

Dadka cudurka laga helay ayaa lagu baaray xarunta Xalane. Wasaaradda caafimaadka ayaa marinaysa baaritaan dheeraad ah.

Dowladda ayaa sheegtay in ay dib usoo celinayso tallaabooyinkii taxadarka ahaa ee looga feejignaanayay faafitaanka cudurka.

Guud ahaan Soomaaliya, cudurka ayaa laga diiwaan galiyay in ka badan 4,000 xaaladdood, iyadoo dhimashadu gaartay 108 qof.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]