3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 15, 2020
Al-shabaab oo beenisay in xubno kamid ah dagaalamayaasheeda lagu xiray dalka Ethiopia
 

Axad, November, 15, 2020 HOL) - Al-Shabaab ayaa beenisay sheegashada Itoobiya ee ah in ay xireen xubno ka tirsan kooxdooda, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka Ethiopia ee ENA.

Bayaan kasoo baxay Alshabab, ayaa lagu sheegay in sheegashada Ethiopia uga dan leedahay in ay indhaha caalamka ka jeediso qalalaasaha ka taagan gobolka Tigreega.

" Hadalka Ethiopia ee ku saabsan in ay qabteen xubno ka tirsan Alshabaab waa arrin aan sal iyo raad lahayn, waa sheegasho siyaasadaysan oo uu Abiy Axmad ku doonayo inuu indhaha caalamka uga leexiyo dhibaatada iyo colaadda ka taagan gudaha Itoobiya" ayuu  yiri Cabdi Casiis Abu Muscab, afhayeenkii howlgallada Al-Shabaab.

Alshabaab waxay iska fogeeyeen in ay wax lug ah ku leeyihiin qalaalasaha ka socda dalka Ethiopia.

Sirdoonka Itoobiya (NISS) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 14 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish oo qorsheynayay in ay weeraro ka fuliyaan goobo kala duwan oo dalkaas ka mid ah.

Wakaaladda wararka ee Itoobiya ee loo soo gaabiyo (ENA) oo soo xiganeysa NISS ayaa sheegtay in Al-Shabaab iyo Daacish ay xubnahooda u direen magaalada caasimada ah ee Addis Ababa iyo meelo kala duwan oo dalka ka mid ah si loo fuliyo falal argagixiso oo wax u dhimaya nafta iyo hantida dadka sidoo kalena sumcadda dalka wax u dhimaya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/15/2020 3:57 PM EST
Axad, November, 15, 2020 HOL) - 30 sano kadib, dowladda Soomaaliya ayaa dib u furatay safaaradeedii magaalada Nairobi, taasoo lagu soo celiyey gacanta dowlada, kadib markii maxkamad ku taal Kenya ay horey u xukuntay in safaarada si sharci daro ah loo iibiyey.

11/15/2020 10:36 AM EST
Axad, November, 15, 2020 (HOL)- Hogaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa ku eedeeyay madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki inuu la saftay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed marka la eego dagaalka ka socda gobolka.

11/15/2020 8:22 AM EST
Axad, November, 15, 2020 (HOL) -Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Qoraal ka dhan ah Guddiyada Doorashooyinka u diray beesha caalamka gaar ahaan Wakiilka QM eeArrimaha Soomaaliya Amb, James Swan, Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia Amb, Francisco Madera.

11/15/2020 6:05 AM EST
Axad, November, 15, 2020 (HOL)- Wakiilka Qarramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo u warramay sheegay in wali jirto qatar badan badan oo ka imaneysa dhinaca Ururka Al-shabaab.

11/15/2020 1:42 AM EST
Axad, November, 15, 2020 HOL) - Koox dhalinyaro ah oo reer Kenya ah oo ka tirsan ardayda jaamacadaha ayaa loo xilsaaray sameynta hub cusub iyada oo lagu fulinayo hawlgal qarsoodi ah oo loogu magac daray Mashruuca Warshadeynta Amniga Qaranka.

11/15/2020 1:13 AM EST
Axad, November, 15, 2020 HOL) - Ciidamada Amniga Puntland ayaa hawlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay tuulooyin katirsan Calmadow oo ah degaano ay si dhuumaalaysi ku yimaadaan dagaalamaayasha kooxda Alshabaab ee farriisinka ku leh aaggaas.

11/15/2020 12:29 AM EST
Axad, November, 15, 2020 (HOL)- Hay’adda Sirdoonka dalkaasi Itoobiya ayaa sheegtay kaddib howlgal ay sameeyeen ciidamada in ay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsan Ururrada Al-shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

11/15/2020 12:14 AM EST
Axad, November, 15, 2020 HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Gantaallo lagu weeraray magaalada Asmara ee dalka Eritrea fiidnimadii xalay wax yar uu kaddib markii saraakiisha TPLF ku hanjbeen weerarka Asmara.