4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 13, 2020
MN: Ha Lagu Shaqaaleeyo si aad Dadka Wax u Tarto



Ma tahay shaqaale makhaayad, huteel ama goob kale oo martigelin oo raadinaya shaqo cusub hadda?

Ma ka fikireysaa inaad shaqada iska beddesho?

Waqtigan xaadirka ah ayaa ah waqti ku habboon in la bilaabo shaqo cusub oo laga shaqaynayo sidii loo caawin lahaa dadka la siiyo daryeelka caafimaadka iyo adeegyada taageerada muddada safmareenka. 

Goobaha goobaha daryeelka muddada dheer ee Minnesota, guryaha kooxaha, guryaha hoy-la'aanta iyo daryeel-bixiyeyaasha kale ayay soo foodsaartay shaqaale yari daran. Sababtaas weeye wuxuu Gobolka Minnesota u fuundaynayo hindise shaqo qoritaan daryeel caafimaad iyo adeegyyada taageeritaanka oo degdeg ah.

Waxaad waxtar dhab ah gacan uga geysan kartaa hadda iyo mustaqbalkaba dadka waayeelka ah iyo dadka naafada ah iyo kumanaan kale oo ku nool bulshadaada.  

Uma baahnid inaad lahaato waayo-aragnimo daryeel caafimaad, kaliya niyad fiican oo aad ku caawiso dadka kale iyo rabitaanka noqonshaha geesi daryeel caafimaad waqtiyadan adag.

Xirfadahaaga iyo waayo-aragnimada aad ka heshay meheradaha martigalinta ayaa ah diyaargarow hore oo aad ugu fiican boosaskan Waxaad ka heli kartaa waayo-aragnimo iyo tababbaitaan degdeg ah oo kaa caawisa inaad korto jaranjaradan cusub ee shaqo.

Fursadaha hadda jira ee lagu heli karo hindisahan shaqaalaynta degdegga ah ayaa loogu talagalay shaqo ku meelgaar ahaan (oo leh ballanqaad ugu yaraan 14 maalmood ah) oo leh mushqaayado tartan, sodaal, hoy iyo lacag  kharash maalinle leh. Dadka heerarka bilowga ah ee shaqooyinka daryeelka caafimaadka iyo adeegyadooda taageeritaan ayaa heli kara illaa $25 doollar saacaddiiba.

Haddii aad rabto inaad wax ka ogaato intaa wax u dheer fursaddan kala xiriir 866-633-3700 ama hadda ka codso adiga oo u mara hay'adda shaqaalaynta barnaamijkan oo kuna soo biir hindisahan shaqaalaynta degdegga ah: Codsiga loogu talagalay Shaqaalaynta..

Waad codsan kartaa maantaba. Shaqaale ayaa durtaba loo xulanayaa fursaddan oo waxayna fili karaan inay ku sii jiraan barnaamijkan illaa Disambar 30, 2020. Fursado in loo shaqaaleeyo boos muddo dheer, ama joogto ah xil la mid ah ayaa sidoo kale la heli karaa.