3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 12, 2020
UNICEF oo shaacisay ku dhawaad $3 million oo lagu taageerayo horumarinta waxbarashada Puntland
 

Khamiis, November, 12, 2020 (HOL) - Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay, UNICEF, ayaa shaaciyay in uu 2.9 milyan oo doolarka Mareykanka ah ay ku taageeridoonto horumarinta waxbarashada Puntland.

Dhaqaalahan oo UNICEF ay ka heshay sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada, ayay sheegtay in uu kobcin doono helitaanka iyo kor u qaadista tayada waxbarashada aasaasiga ah ee carruurta ay dhibaatadu saameysey ee ku nool dowlad goboleedka Puntland.

Hayaddu waxay sheegtay in wasaaradda waxbarashada Puntland iyo bahwadaagta ay iska kaashan doonaan kordhinta helitaanka sinnaanta waxbarashada, kor u qaadista tayada waxbarashada iyo xoojinta nidaamyada maaraynta waxbarashada ee Puntland.

"Lacagtan cusubi ma caawinayso oo keliya in carruur badan la siiyo fursad ay ku aadaan iskuullada laakiin waxay sidoo kale ku qalabaynaysaa aqoonta iyo xirfadaha ay u baahan yihiin si ay ugu guuleystaan nolosha," ayuu yiri Jesper Moller, Wakiilka UNICEF Somalia ee ku-meel-gaarka ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
12/4/2020 6:03 AM EST
New testing sites to remain open 3-5 days a week through at least end of year

11/12/2020 1:42 PM EST
Khamiis, November, 12, 2020 (HOL) - Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax fiidnimadii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho kaa oo lala eegtay guddoomiyaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun.

11/12/2020 12:12 PM EST
Khamiis, November, 12, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mukhtaar Xusseen Afrax ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ka go'an tahay in doorashooyinka waqtigooda ku dhacaan.

11/12/2020 9:54 AM EST
Khamiis, November, 12, 2020 (HOL) - Qarramada Midoobey ayaa wali ka walaacsan xaalada dalka Itoobiya gaar ahaan Ismaamulka gobolka Tigrayga oo ay ku dagaalamayaan ciidamada difaaca Qaranka iyo xoogagga u daacada ah TPLF.

11/12/2020 9:47 AM EST
Khamiis, November, 12, 2020 (HOL) - Shacabka ku dhaqan magaalada Jigjiga ayaa maanta sameeyay isu soo bax ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan dagaalka ay dawladda fadaraalka Itoobiya kula jirto TPLF, isla markaana ay kaga soo horjeedeen Ururka TPLF ee ka arrimiya degaanka Tigray.

11/12/2020 8:06 AM EST
Khamiis, November, 12, 2020 (HOL)-Mudanayaasha Aqalka golaha wakiilada ee Itoobiya ayaa ansixiyay in xasaanadda lagala noqdo 38 saraakiil ah oo ka tirsan maamulka Tigray kaddib codsi kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud.

11/12/2020 7:53 AM EST
Khamiis, November, 12, 2020 (HOL) - Ku dhawaad 15 Ardey ah ayaa ku dhimtay 19 kalana wey ku dhaawacmeen Qarax 28kii December sanadkii 2019-ka ka dhacay Ex-koontarool Afgooye, waxaana maanta magaalada Muqdisho ka dhacday munaasabad lagu daah furayay santuuq dhaqaale loogu uruurinayo ardeydii ay wax-yeelada soo gaartay.

11/12/2020 4:34 AM EST
Khamiis, November, 12, 2020 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa shaqadii ka joojiyay wasiirkii kalluumaysiga Puntland Maxamuud Xaaji Saalax iyo agaasimihii guud ee wasaaraddaas, Cabdirisaaq jaamac Aadan.

11/12/2020 4:13 AM EST
Khamiis, November, 12, 2020 (HOL) - Ciidanka Amniga Puntland ee magaalada Qardho ee gobolka Bari, ayaa gacanta ku dhigay boqolaal milyan oo lacagta shilinka Soomaaliga ah oo la doonayay in si qarsoodi ah loogu gudbiyo magaalada Bosaso.

11/12/2020 3:49 AM EST
Khamiis, November, 12, 2020 (HOL)- Wararka ka imanaya magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Saudi Arabia ayaa sheegaya weerar Bambaano loo adeegsaday lagu qaaday goob ay ka socday xaflad kaa oo ay ku dhaawacmeen saddex ruux.

11/12/2020 1:44 AM EST
Khamiis, November, 12, 2020 (HOL)-Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Mudug ayaa ku baaqay in deg deg loo soo afjaro colaad u dhaxeysa labo beelood oo wada diga gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

11/12/2020 12:42 AM EST
Khamiis, November, 12, 2020 (HOL)- Wasiirka Deegaanka Dowlad gobolleedka Jubbaland Ceydiid Saleemaan Xaanshi ayaa ka badbaaday isku day dil kaddib miino loogu xiray gurigiisa oo sababtay geerida saddex ruux oo labo ka mid ah ka tirsanaayeen ilaaladiisa.

11/12/2020 12:06 AM EST
Khamiis, November, 12, 2020 (HOL) - Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurib ayaa kala saxiixday wajigii labaad ee barnaamijka lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, kaas oo ay ku baxayso lacag gaareysa 98.2 Milyan oo Euro.