4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 11, 2020
Wararkii ugu danbeeyay dagaalka gobolka Tigrayga ee dalka Itoobiya

 

Arbaco, November, 11, 2020 (HOL)- Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay ku dishay dagaalka ka soconaya Ismaamulka Tigrayga ee Waqooyiga dalkaasi 550 xubnood oo ka tirsan xoogga u dagaalamaya TPLF.

Guud ahaan dagaalkan ayaa lagu waramayaa in uu geystay khasaare ballaaran oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya iyo barkaca dadka shacabka oo hadda hay’addaha calaamku ka deyrinayaan xaladooda nolaleed.

Saraakiisha federaalka Itoobiya ayaa waxaa ay sheegeen in la xiray 17 sargaal oo ka tirsan militariga, islamarkana lagu eedeeyay in ay qeyb ka ahaayeen shirqoolkii toddobaadkii aanu soo dhaafnay lagu weeraray saldhig militari oo ku yaalla waqooyiga Itoobiya.

Midowga Africa ayaa ku baaqay in la joojiyo dirirta ka socda gobolka iyaga oo taa badalkeeda ku baaqay in khilaafka taagan lagu dhameeyo wada hadal iyo nabad.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]