3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 1 , 2020
Baadari toogasho lagu dhaawacay magaalada Lyon ee dalka Faransiiska

 

Axad, November, 01, 2020 (HOL)-  Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in qof aan la garaney uu toogasho ku dhaawacay wadaad ka tirsan mad-habka Orthodox-ka xili la sheegay in uu ka soo baxayay Kaniisad ku taala magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.

Wararkan oo xalay dhacay ayaa lagu waramayaa in qofkii geystay uu markiiba goobta ka baxsaday oo aysan u suurtagalin ciidamadu ay qabtaan.

Wasiirka arimaha gudaha Faransiiska, ayaa qoraal uu Twitter-ka ku faafiyey ku sheegay in dhacdo halis ahi haatan dhacday, laakiin wax faahfaahin ah kama uu bixin waxa dhacay.

Qof ka tirsan booliska oo wakaaladda wararka ee AFP soo xigatay ayaa sheegay in ninka weerarka geystay sitay qori shoodh-gan ah.

Tan wixii ka danbeeyay Aflagaadadii Diinta Islaamka uu u geystay madaxweynaha dalka Faransiiska dalkaasi waxaa uu wajahayaa weerarro adag oo uga imanayay dad loo maleynayo in ay ka carreysan yihiin hadalladii ka dhanka ahaa Nabbi Maxamed ee ka soo yeeray madaxweyne Marcon.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay weerarradan dhacaya kuwo argagixiso, waxaana uu amray in ciidamo dheeraad ah la geeyay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.
 
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
        













Click here
11/1/2020 2:40 PM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar ) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar lug ah kagasoo tagay Gaalkacyo ayaa gaaray magaalada Garowe ee Caasamada Puntland.

11/1/2020 8:20 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta guddoomiyey kullan muhiim ah oo is xog-wareysi ah, kuna saabsanaa Qorshe Howleedka Wasaaradda guud ahaan gaar ahaan Qorshe Howleedyada Waaxyaha,kullanka ayaa ahaa kii u horreyay tan iyo markii uu xilka la wareegay taariikhda 27 bishii October,2020.

11/1/2020 8:08 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay xukuumada Soomaaliya in aysan xaq u lahayn inay soo magacowdo guddiga maamulaya doorashooyinka wakiilada gobolada waqooyi u matalaya labada aqal ee barlamaanka.

11/1/2020 6:29 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta kula hadlay Jowhar ayaa sheegay in sababta socdaalkooda Jowhar ay salka ku heyso in xal waara laga gaaro tabashada ka jirta dhismaha Hirshabeella ka hor inta aan doorasho la aadin.

11/1/2020 5:54 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay guddiggii soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle shaqadii ay soo qabteen.

11/1/2020 3:16 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhaw gaaray magaalada Jowhar ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Hirshabeelle.

11/1/2020 2:14 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday qorsheheeda ku aadan qaabilaada qaxootiga (2021-2023), waxayna sheegtay in ay bartilmaameedsan doonto heerka ugu sareeya ee qaadashada soogalootiga.

11/1/2020 2:12 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL) - Somaliland ayaa Qaramada Midoobay ka dalbatay in ay ula macaamisho dalka ka madax banaan Soomaaliya, si ay uga laabato go’aankeedii ay ku joojisay dhammaan howlihii Qaramada Midoobay ay ka waday Somaliland.

11/1/2020 2:09 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal gaar ah oo ay ka fulisay deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ay ku dishay sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

11/1/2020 12:44 AM EST
Axad, November, 01, 2020 (HOL)- Talaadada soo socoto oo taarikhdu ay ku beegan tahay 3-da bishaan November, ayaa waxaa lagu wadaa in guud ahaan wadanka Mareykanka ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada ee sannadkaan 2020-ka, xilli xaalada cudurka Covid-19 ay kor u sii kaceyso gobollada qaar.