4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 26, 2020
Jubbaland oo tafaasiil ka bixisay weerar Isniintii ka dhacay duleedka Dhoobley
 

Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa waxay sheegaan in Isniintii lasoo dhaafay ay dileen 4 ka tirsan dagaallamayaasha Al-shabaab kadib dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose.

Maxamed Cabdullaahi oo ah taliye ku xigeenka booliska degmadaas oo la hadlay wakaaladda wararka Shiinaha ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu dhacay kadib markii dabley hubeysan oo Al-shabaab ah ay weerar ku qaadeen saldhig ay deganaayeen ciidamadda Jubaland,  kadibna iska caabbin ay sameeyeen.

"Mintidiinta Al-shabaab ayaa weeraray xero lagu tababaro ciidamada Jubaland,   kadibna ciidamadii ayaa sameeyay iska caabbin ' ayuu taliye ku xigeenka booliska Jubaland Maxamed Cabdullaahi u sheegay wakaaladda wararka Shiinaha.

"Waxaan dilay 4 kamid ah dhinacii nasoo weeraray intii uu socday iska horimaadka,  ciidamadeennana si buuxda ayeey u maamulayaan hadda xeradii lagu dagaallamay,  halka Al-shabaabna ay dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen " ayuu mar kale sheegay taliye ku xigeenka Booliska Dhoobley .

Weerarkaan ka dhacay Dhoobley ayaa kusoo aadaya, seddex maalin kadib markii ciidamada militiriga Soomaaliya ay sheegeen in ay dileen 5 kamid ah Al-shabaab kadib  dagaal ka dhacay magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kor u qaaday weerarada ka dhanka ah Al-shabaab gobollada ku yaalla koonfurta Soomaaliya,   hase-ahaatee weli ciidamadaas ayaa la kulmaya duullaanno kala duwan oo uga imaanaya miyiga gobolladaasi oo ay Al-shabaab soo qaadaan mar walba.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]