4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 26, 2020
Somaliland labo qof oo u geeriyootay xanuunka COVID-19
 

Talaado, May 26, 2020 (HOL) - War kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in 14 ruux oo cusub oo qaba xanuunka Coronavirus laga helay 24-kii saac ee u dembeysay gudaha deegaannadaasi kadib baaris ay sameeyeen howl-wadeennada caafimaadka.

Dadkaan oo laga shakisnaa xanuunkooda ayeey dhaqaatiirtu ka eegeen COVID-19,  waxayna noqdeen kuwa xanuunka uu hayo,  sida warka lagu sheegay.

Dhinaca kale laba qof oo kunoolaa magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama ayaa u dhintay Coronavirus sida lagu xusay warka lagasoo xigtay wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Wadarta dadka xanuunkaasi qaaday gudaha deegaannada Somaliland ayaa gaaraya 217 qof,  waxaana ka bogsaday 8 ruux halka 17 kalena ay u dhinteen.

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]