3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 26, 2020
Dowladda Soomaaliya oo kordhineyso meelaha lagu baaro COVID-19 ee dalka
 

Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Waxaa xalay magaalada Muqdisho shir ku yeeshay Guddiga qaran ee xakameynta xanuunka COVID-19 ee uu hoggaamiyo ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre,  waxaana la iskula soo qaaday xaaladahii ugu dembeeyay ee Soomaaliya iyo Coronavirus.

Shirkaan oo ahaa mid lagu qabtay barta dhinaca Internet-ka ah ee Zoom ayaa waxaa shir guddoominayay Xasan Cali Kheyre,  waxaana dhammaan dhinacyadii kasoo qeyb-galay ay diiradda saareen shaqooyinka horyaalla iyo marxaladda dalka iyo COVID-19.

Kulanka ayaa  la isku weydaarsaday aragtiyo dhowr ah waxaa ugu dembeyn la isla gartay in la ballaariyo goobaha xanuunkaan lagu baaro,  si loo ogaado dadka qaaday ee aan tegin goobaha sida rasmiga ah loogu baaro.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in la ballaarinayo goobaha lagu baaro COVID-19 ee dalka,  gaar ahaan Muqdisho,  laakiin waxaa la'eegayaa sida arrintaasi ay u dhaqan-gasho.

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/26/2020 1:47 PM EST
Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Dagaalka ayaa ka dhacay deegaano hoostaga Buuloburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa u dhaxeeyay ciidanka dowlada iyo kooxda Al-shabaab, waxaana lasheegay in aay ka dhasheen qasaaro kala duwan.

5/26/2020 10:23 AM EST
Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, wasiiro iyo gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa kormeeray xatunta cusub ee wacyi-galinta caabuqa Covid19 oo laga hirgaliyay magaalada Beledweyne.

5/26/2020 8:32 AM EST
Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Midowga yurub ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca taariikhda uu guddiga doorashooyinka Soomaaliya barlamaanka hor imaanayo si uu usoo bandhigo warbixin laga sugayo oo ku saabsan doorashada iyo waqtigeeda.

5/26/2020 7:21 AM EST
Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Ciidamada maamulka Jubaland ayaa waxay sheegaan in Isniintii lasoo dhaafay ay dileen 4 ka tirsan dagaallamayaasha Alshabaab kadib dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose.

5/26/2020 5:13 AM EST
Talaado, May 26, 2020 (HOL) - War kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in 14 ruux oo cusub oo qaba xanuunka Coronavirus laga helay 24-kii saac ee u dembeysay gudaha deegaannadaasi kadib baaris ay sameeyeen howl-wadeennada caafimaadka.

5/26/2020 4:56 AM EST
Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Taliyaha booliiska ee gobolka Bari, gaashaanle sare Xusen Cali Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada booliisku ay xireen tuhmanayaal ka tirsan kooxda ISIS iyo hubkoodii kadib hawlgallo amni oo laga fuliyay Iskushuban, Toga jaceyl, Togga canjeel iyo Dooxa Gabin.

5/26/2020 4:10 AM EST
Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu si ku-meel-gaadh ah u hakiyey tijaabooyin ku saabsan hydroxychloroquine oo loo addeegsanayay in lagu daweeyo cudurka safmarka ah 'Covid-19'.

5/26/2020 12:34 AM EST
Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Diyaarad Kenyan ah, oo nambarkeedu yahay 5Y-VVA, ayaa dabley aan la aqoonsan ku rasaaseeyeen, iyadoo ku sugnayd magaalada Qansaxdheere, oo katirsan Gobolka Baay, Isniintii, 25-kii Maajo.