3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 26, 2020
Diyaarad kale oo ka diiwaangashan Kenya oo ka badbaaday iskuday lagusoo ridi lahaa
 

Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Diyaarad Kenyan ah, oo nambarkeedu yahay 5Y-VVA, ayaa dabley aan la aqoonsan ku rasaaseeyeen, iyadoo ku sugnayd magaalada Qansaxdheere, oo katirsan Gobolka Baay, Isniintii, 25-kii Maajo.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda oo siday agab bini’aadanimo ay dableydu xabbado qabadsiiyeen xilli ay kusii jeeday garoonka diyaaradaha Qansaxdheere ee gobolka Baay ee koonfur galbeed.

Ma jirto cid ay waxyeelo kasoo gaartay falkaan, balse rasaasta ayaa ka muuqatay oogada sare ee diyaarada.

Warbixinno hordhaca ayaa tilmaamaya in ay falkaan Al-Shabaab ku lug lahaayeen, iyagoo doonayay in ay diyaarada soo ridaan.

Warar kale ayaa sheegaya in falkaan ku lug leeyihiin ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobolka Baay.

Tani waa markii labaad oo wax ka yar bil gudaheed in diyaarad Kenyan ah la weeraro iyadoo ku howlan gaarsiinta gargaarka bani'aadamnimada.

May, 4teedii, ayay ahayd markii diyaarad ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee fadhigeedu yahay Kenya, African Express, ay ku burburtay meel u dhow Bardaale oo katirsan gobolka Bay, halkaas oo ay ku dhinteen lixdii qof ee saarnaa diyaaradda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
5/26/2020 1:47 PM EST
Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Dagaalka ayaa ka dhacay deegaano hoostaga Buuloburte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa u dhaxeeyay ciidanka dowlada iyo kooxda Al-shabaab, waxaana lasheegay in aay ka dhasheen qasaaro kala duwan.

5/26/2020 10:23 AM EST
Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, wasiiro iyo gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa kormeeray xatunta cusub ee wacyi-galinta caabuqa Covid19 oo laga hirgaliyay magaalada Beledweyne.

5/26/2020 8:32 AM EST
Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Midowga yurub ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca taariikhda uu guddiga doorashooyinka Soomaaliya barlamaanka hor imaanayo si uu usoo bandhigo warbixin laga sugayo oo ku saabsan doorashada iyo waqtigeeda.

5/26/2020 7:21 AM EST
Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Ciidamada maamulka Jubaland ayaa waxay sheegaan in Isniintii lasoo dhaafay ay dileen 4 ka tirsan dagaallamayaasha Alshabaab kadib dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose.

5/26/2020 5:13 AM EST
Talaado, May 26, 2020 (HOL) - War kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in 14 ruux oo cusub oo qaba xanuunka Coronavirus laga helay 24-kii saac ee u dembeysay gudaha deegaannadaasi kadib baaris ay sameeyeen howl-wadeennada caafimaadka.

5/26/2020 5:07 AM EST
Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Waxaa xalay magaalada Muqdisho shir ku yeeshay Guddiga qaran ee xakameynta xanuunka COVID-19 ee uu hoggaamiyo ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana la iskula soo qaaday xaaladahii ugu dembeeyay ee Soomaaliya iyo Coronavirus.

5/26/2020 4:56 AM EST
Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Taliyaha booliiska ee gobolka Bari, gaashaanle sare Xusen Cali Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada booliisku ay xireen tuhmanayaal ka tirsan kooxda ISIS iyo hubkoodii kadib hawlgallo amni oo laga fuliyay Iskushuban, Toga jaceyl, Togga canjeel iyo Dooxa Gabin.

5/26/2020 4:10 AM EST
Talaado, May 26, 2020 (HOL) - Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) wuxuu si ku-meel-gaadh ah u hakiyey tijaabooyin ku saabsan hydroxychloroquine oo loo addeegsanayay in lagu daweeyo cudurka safmarka ah 'Covid-19'.