3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 27, 2020
Xildhibaan Cusub oo maanta ku biiray Golaha wakiillada Jubaland
 

Sabti, Juun 27, 2020 (HOL) - Waxaa maanta lagu dhaariyay xarunta Golaha wakiillada ee Jubaland Xildhibaan cusub oo lagu magacaabo Maxamed Nuur Jannagale oo bedalaya mudane hore oo xilkaas iska casilay oo lagu magacaabo Jaamac Cabdi Guure oo 13-ka Jun xilkaasi banneeyay.

Xeer hoosaadka hab-raaca golaha wakiillada ayaa sheegaya in xildhibaankii banneeya booskiisa uu bedalayo, musharraxii horay ula tartamay.

Xildhibaankan cusub oo kusoo biiray Golaha wakiillada Jubaland Maxamed Nuur Janna-gale ayaa horay booskaan usoo qabtay, isagoo kamid ahaa Golahii wakiillada ee ugu horreeyay oo ay Jubaland yeelato.

Dhinaca kale waxaa iminka caadi u bilwoday fadhiyadii baarlamanka Jubaland , iyadoo la qorsheynayo in maalmaha innasoo aaddan ay bilaabi doonaan ajendayaal dhowr ah oo ay ka doodi doonaan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/27/2020 7:25 AM EST
Sabti, Juun 27, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” oo maanta hor-tagtay Aqalka hoose ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in aan dalka hadda laga qaban Karin doorasho qof iyo cod ah sidaasi darteed uu Guddiga doorashada u baahanyahay in la siiyo waqti dheeraad ah.

6/27/2020 7:17 AM EST
Sabti, Juun 27, 2020 (HOL) - Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay in 13 kursi oo dheeraad ah lagu kordhiyo golaha aqalka sare, si ay matalaad ugu noqdaan gobolka Banaadir, oo aan xilligaan wax matalaad ah ku lahayn golahaas.

6/27/2020 6:10 AM EST
Sabti, Juun 27, 2020 (HOL) - Xubno kamid ah aqalka sare oo qeyb ka ahaa guddi loo magacaabay dhameystirka afar xeer oo ka dhimanaa sharciyadda doorashooyinka, ayaa ku eedeeyay madaxtooyada Soomaaliya inay wax ka bedel ku sameysay xeerarkaan iyadoo adeegsanaysay xubno katirsan guddigooda.

6/27/2020 1:51 AM EST
Sabti, Juun 27, 2020 (HOL) - Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis wada shaqayn ah ku gaaray magaalada Gaalkacyo kadib markii ay kulan gaar ah yeesheen labada madaxweyne iyo guddiyo ay kala hoggaaminayeen.

6/27/2020 1:49 AM EST
Sabti, Juun 27, 2020 (HOL) - Golaha shacabka ee baarlamaanka ayaa maanta yeelan doona kulan muhiim ah. Guddiga doorashada ayaa golaha baarlamaanka warbixin kooban ka siin doona wixii ku soo kordha doorashooyinka dalka iyo arrimaha ku xeeran.