4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 25, 2020
Puntland oo ciidamo ay tababar usoo xirtay ku daabushay gobolka Sool


Khamiis, Juun 25, 2020 (HOL) - Ciiddamo dhawaan Puntland tababar ugusoo xirtay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar, ayaa lagu daabulay gobolka Sool gaar ahaan jiidaha ay isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland.

Daabulida ciidamadan ayaa kusoo beegantay maalmo kahor markii wasiiradda warfaafinta Puntland iyo Somaliland ay hawada isku marsiiyeen hadalo colaadeed.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), ayaa sheegay inuu dhacayo dagaal aan la mahdin haddii Somaliland aysan ka bixin gobolka Sool.

Sidoo kale, wasiirka warfaafinta Somaliland saleebaan Koore, ayaa isna sheegay inay Somaliland tilaabo milatari qaadayso haddii Puntland iskudaydo inay soo faro galiso degaanadooda.

Puntland iyo Somaliland ayaa sanadkii 2018, waxay dagaalo culus ku dhexmareen gobolka Sool, kadib markii Puntland laga qabsaday degmada Tukaraq ee gobolka Sool.

Tan iyo waqtigaas weli xiisadaha gobolka Sool ma degin, waxaana ciidamadu isku horfadhiyaan goobahoodii.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]