4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 24, 2020
Madaxweyne Qoor-qoor oo Cadaado gaaray iyo shacabka degmadaasi oo si diirran usoo dhoweeyay


Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxaa maanta si weyn loogusoo dhaweeyay magaalada Cadaado oo uu maanta gaaray, isagoo ay wehlinayaan xubno sare oo kamid ah mas’uuliyiinta Galmudug.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxa uu maalmihii dembe socdaal ku gaalaa-bixinayay deegaanno kala duwan oo ka tirsan Galmudug, si guud ahaan madaxda maamulkaas iyo bulshada deegaannada kala duwan ay u wada shaqeeyaan.

Bulshada Cadaado, maamulka iyo salaadiinta dhaqanka ayaa soo dhoweyn heerkeedu sarreeyay u sameeyay madaxweynaha Galmudug, oo inta badan hannaankiisa hoggaanka si wacan loo soo dhoweeyay.

Xarunta Madaxdooyada Cadaado ayuu kula hadlay Shacabka , isagoo hoosta ka xariiqay in reer Cadaado looga baahanyahay in qeyb ka noqdaan geeddika dib u dhiska Galmudug.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]