4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 23, 2020
Al-shabaab oo sheegtay qaraxii maanta ka dhacay saldhigga ciidamada ee Turkey-Som
 

Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - War lagu qoray mareegaha wararka ee taageera Ururka Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ay ka dembeeyeen qaraxii dhowaan ka dhacay saldhigga tababarka Ciidamada qalabka sida ee Turkey Som .

Barahaasi wararka ee u janjeera dhinaca Al-shabaab oo soo xignaya idaacadda Alfurqaan ayaa waxay sheegeen in qaraxa uu fuliyay ismiidaamiye ka tirsanaa Al-shabaab, kaas oo isku dhex qarxiyay arday doonayay iney ku biiraan askarta dowladda Soomaaliya.

warka Al-shabaab ay sii daayeen lagu sheegay inuu qaraxaasi geystay khasaaro, laakiin wax tafaasiil ah oo intaasi dhaafsan kama aysan bixin.

Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ay toogteen shakhsigii qaraxa xernaa oo iskusoo dhex qariyay arday dooneysay in askarta dowladda ku biiraan.

Laba qof ayaa qaraxaasi ku dhimatay oo uu mid kamid ah ahaa aqoonyahan doonayay inuu ku biiro ciidamada dowladda Soomaaliya

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]