3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 23, 2020
Shirkii Jabuuti: Qodob cusub oo lagusoo daray heshiiskii Soomaaliya iyo Somaliland
 

Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - War-murtiyeedkii shirkii Jabuuti lagasoo saaray xalay saq dhaxe ayaa lagu daray qodob aan horey ugu jirin oo ahaa kii ugu adkaa intii shirku socday.

Qodobkaan ayaa ah isu socodka dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, balse waxaa laga reebay isku socodka siyaasiyiinta oo ahaa qodob la isku mari waayay.

"Labada dhinac waxa kale oo ay ku heshiiyeen in aan la carqaladayn isku-socodka iyo xidhiidhka labada bulsho ee aan siyaasad iyo siyaasiyiin shaqo ku lahayn ee la xidhiidha dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/23/2020 9:55 AM EST
Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - Puntland iyo Somaliland ayaa hawada isku mariyay hadalo dhalleecayn ah oo ka dhashay kadib markii maalmo kahor madaxweynaha Puntland uu Somaliland ugu baaqay inay ka baxaan gobolka Sool.

6/23/2020 8:25 AM EST
Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay agagaarka Akadeemiyada Tababarka Ciidamada ee TURKSOM ee magaalada Muqdisho.

6/23/2020 5:30 AM EST
Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - War lagu qoray mareegaha wararka ee taageera Ururka Alshabaab ayaa waxaa lagu sheegay in ay ka dembeeyeen qaraxii dhowaan ka dhacay saldhigga tababarka Ciidamada qalabka sida ee Turkey Som .

6/23/2020 5:18 AM EST
Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda gaaddiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad “Oomaar” ayaa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhowaan billaabi doonto bixinta Laysinka diyaaradaha iska diiwaan-gelinaya gudaha waddanka.

6/23/2020 4:50 AM EST
Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - Ciidamada Ilaalada Dugsiga tababarka Turkey Som ayaa toogasho ku dilay dhagarqabe doonayay in uu isku qarxiyo dhallinyaro arday ah oo doonayay in ay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

6/23/2020 1:57 AM EST
Talaado, Juun 23, 2020 (HOL) - Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii meel mariyey qaraar lagu cusbooneysiinayo waajibaadka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) ilaa Agoosto 31, 2020.