4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2020
Muqdisho oo lagu qabtay kulan lagu daahfurayay dhaqan galinta sharciga duulista rayidka


Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - Kadib markii maanta madaxweyne Farmaajo uu saxiixay sharciga hay’adda duulista rayidka ee Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay kulan lagu daahfurayay dhaqan galinta sharcigaas.

Daahfurka hay’adda duulista rayidka, waxaa la sheegay inay Soomaaliya guul weyn u tahay, islamarkaana ay kusoo beegantay iyadoo Soomaaliya ay dib ulasoo wareegtay maamulkeedii hawada tan iyo bururkii kadib.

Meerayaha cusub ee hay’adda duulista rayidka, Axmed Macalin Xasan, ayaa sheegay inay Soomaaliya sumcad iyo dhaqaale ku helidoonto dhaqan galka sharcigaan, oo awood usiinaya inay Soomaaliya iyadu diiwaangashato diyaaradaheeda.

“Sanadkaan inta uusan dhammaan waxaan rabnaa inaan hawadeena gaarsiino si lamid ah kuwa reer Yurub, waxaan doonaynaa inaan bishii soo saarno shan milyan oo dollar, halka aan hadda soo saarno labo milyan,” ayuu yidhi Axmed Macalin.

Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka dowladda federalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Salaad (Oomaar), ayaa sheegay dadaal badan kadib inay ku guulaysteen inay Soomaaliya yeetalo sharciga duulista rayidka ah.

La’aanta sharcigaan waxay Soomaaliya ku ahayd caqabad keeni kartay in lagala noqdo maamulka hawada oo si rasmi ah ay dowladdu ula wareegtay December, 2017-kii.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa sharcigaan ansixiyey 5-tii Janaayo, 2020, kadib markii xukuumadu sheegtay in maamulka hawadu khatar ugu jiro in gacanta Qaramada Midoobay uu mar kale ku noqdo, haddii aan si degdeg ah loo helin sharci rasmiya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]